IFTIN 2 TORONTO UNITED 1
SEIF FC 5 ALBION 0
TORONTO Waxaa habeenii labaaad si habsami leh uga socda garoonka dedan ee Soccer Center ee ku yaal magaalada Toronto,koobkii lagu maamusayay bisha barakeysan ee Ramadan,Waxaana ciyaaro xiiso leh dhexmartay kooxaha Iftin iyo Toronto United iyo Seif FC iyo Albion

Maamulka-Sh.Mohamud,Hassan Dahir iyo Liban Sharif

Ganey & Ahmed

Sakariya,Jamal & Sadaq

Fanax & Cadare
Cayaarta kowaad waxay ku bilaabatay xiiso iyo dar dar hor leh,maadama Iftin iyo Toronto United ay hore isugu soo arkeen koobkii somaliweek 2009 ,ayaa waxaa cayaartaas gool ku hormaray kooxda Iftin,markii weerarkii iyo difaacii labada kooxood sii xoojiyeen,ayaa haddana waxaa kooxda Iftin gool labaad u dhaliyay Burhan Yare,Kooxda Toronto United oo fursado badan ay gool ku dhalin kartay ay heshay haddana uma suurta galin,balse kubad si fiican ay Toronto United u soo dhistay ayay keentay difaacii Iftin qalad ku galeen weerarkii cayaartoy ka tirsan kooxda Toronto United Ali-Bashi,halkaasna rigoore ay helaan,uuna u saxiixay Ali-Bashi,Cayaartiina ay ku soo dhammaatay Iftin 2:1Toronto United
Cayaartii labaad ayaa waxay dhexmartay kooxaha Seif Fc iyo Albion,cayaartaas waxay u muuqatay in aysan labada kooxood isku itaal aheen,aadna ka tareemeysay kubadda oo inta badan ay u badneed kooxda Seif FC,waxayna cayaarta ku soo dhammaatay Seif FC 5 Albion 0

Sakariya & Jamal

Kooxda Hilaac

Musse,Ganey & Abdullahi

Hadaba waxaa mudan in si gaar ah loo xuso qaarka tirsan guddigii qaban qaabiyay tartanka koobka bisha barakeysan ee Ramadan oo muujiyay dadaal iyo xil kasnimo dheeri ah ka dib markii ay maamulka cayaataas ay si buuxa gacanta ugu hayeen,aadna ku arkeysay mar walba iyagoo garoonka haddba dhnac u ordaya il gaar ahna ku hayay dhaqdhaqaaq kasta oo keeni kara isku dhac,
Mar aan garoonka kula kulmay madaxa tartanka koobka Ramadan Abdi Adan Jabril ,wuxuu ii sheegay in Sh Mohamud,Liban Sharif iyo Hassan Dahir ay yihiin dad runtii ku weyn maamulka isboortiga Toronto ay aheed in shaqsiyaadkan tixgalintooda hore loo siiyay howshana ay ehel u yihiin,kuna faraxsan yahay in uu la shaqeeyo mar walba ,meel walba iyo goor walba

Sadaq,Sakariya & Jamaal


Burhan Yare,Aw-Baare & Cadare
Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto
|