Kulantii Isboortiga Northamton & Shukri Dhalbaas


LONDON London 04/04/2010.Magaalada Northampton oo ku taal Bariga dalka England islamarkaana magaalada London kaga beegan 67 miles koonfur galbeed ayaa waxaa lagu qabtey ciyaar saaxiibtinimo oo kubadda cagta oo ku dhaxmartey labada kooxood ee kale ah kooxda Northampton Vs Kooxda London. Ciyaarahaas oo loo qabtey sidii dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka London iyo Northampton isku baran lahaayeen islamarkaana is dhaxgalka dhalinyarada kor loogu qaadi lahaa, waxaana soo qaban qaabiyay ururka Somaliwomen and Sports Northampton oo ka dhisan isla magaaladaas iyadoo ay ka soo qayb galeen dhalinyaro aad u badan iyo qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya.



Shukri Dhalbaas oo ahayd qaban qaabiyaha barnaamijkan islamarkaana ka mid ahaan jirtey ciyaartooydii kubadda kolayga kooxda Muqdisho barisamaadkii ayaa iisheegtey inay aad ugu faraxsan tahay soo qaban qaabinta ciyaartan saaxiibtinimo iyo sida quruxda badan ay ugu dhamaatey. Waxaan magaalada Northampton ku nool Soomaali aad u badan islamarkaana waxaan ka samaynaa dhaqdhaqaaqyo Isboorti oo kale duwan islamarkaana waxaan leenahay koox gabdho ah oo dheela kubadda kolayga, kuwasoo ka qayb qaata tartamada lagu qabto magaalada ayay tiri Shukri Dhalbaas.

Ciyaartii ayaa waxay ku soo dhamaatey barbar dhac kadib markii labada naadiba ay kale dhaliyeen 2 Goal iyo 2 Goal, kadibna waxaa loogu qabtey casho sharaf dhamaan dadkii ka soo qayb galay barnaamijkaan xafiiska ururka Haweenka Soomaalida iyo Isboortiga oo ku yaal duleedka magaalada Northampton, halkaas lagu gudoonsiiyay ciyaartooydii labada kooxood hadiyado loogu talagalay islamarkaana waxaa ka hadlay dad kale duwan oo isugu jirey howlwadeenada gacanta siiya ururka iyo qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore kooxaha dalka Soomaaliya sida Baaba Jay,Ciro, Naleey iyo Luuley



Barnaamijkaan quruxda badan oo ay u riyaaqeen dadkii Soo qaban qaabiyay iyo dhalinyaradii ka qayb qaadanaysayba ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed. Waxaa xusid mudan in dalka Ingiriiska ay ka jiraan labo kooxood oo gabdho Soomaaliyeed oo dheela ciyaarta Kubadda Kolayga islamarkaana ay macalimiina u yihiin Shukri Dhalbaas iyo Safiyo Neero oo labaduba ka mid ahaan jirey ciyaartooydii Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya, kuwasoo u heelan inay soo saraan gabdho Soomaaliyeed oo jecel inay ciyaaraan Kubadda Kolayga iyagoo aanan ku doonaynin magac iyo darajo kaleba.

W/D; Yusuf Yusuf
Sports editor of SSPAMEDIA