Tartankii Koobka Qaboobaha Toronto 2009 TODAY

Abdi Adan & Abdirisaq Cadde-Maamulka cayaaraha


TORONTOWaxaa Caawa oo taariikhdu tahay December 23.2009.ka furmi doonaa haddii Alla idmo garoonka dedan Soccer City, cayaarihii tartanka koobka qaboobaha oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga TODAY,ahna marki ugu horeysay ee cayaaro noocan oo kale ah lagu qabto magaalada Toronto,taas oo muujineysa horumarka lixaadka leh iyo isboorti jecelka lagu bartay guddiga TODAY oo ah guddiga soo qaban qaabiya tartanka caanka ah ee SOMALI WEEK TORONTO,kaasoo ay majaraha u hayaan dad aqoon iyo waayo aragnimo weyn u leh maamulka cayaaraha iyo farsamadooda

Hadaba tartanka waxaa ka qeyb galaya afar kooxood oo kala ah ,Dixon Fc,Albion,Toronto United iyo Somali Star,waxaa garab socon doono laba kooxood oo odayaal ah

Cayaarta kowaad Toronto Star Vs Somali Star at 6.30 PM

Cayaarta Labaad Dixon Fc Vs Albion at 7.30 PM

Kooxaha soo baxa waxay wada cayaari doonaa haddi Allah idmo Talaadada dambe December 29.2009 iyo isla garoonka Soccer City ee ku yaal Maringrove & Steeles
SOMALIWEEK waxay idiin balan qaadeysaa haddii Alla idmo in ay tartan si joogta idin kugu soo gudbin doonto hadba heerka u marayo iyo waliba wareysiyo maqal iyo muuqaal ah

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto