Tartankii kubadda Cagta Caruurta Somaliyeed Toronto & Ottawa


TORONTO Waxaa taariikhdu markay aheed Bishan September 26/2009 kuna beegneed maalin sabti ah,ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Toronto tartan kubadda cagta ah oo loogu talagalay caruurta Soomaliyeed,kaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka la yiraahdo Guidance Of Canadian Somali Youth Organization, uuna hormuud u ahaa Omar Warsame

Halkan Ka Daawo Wareysiyada Barnaamijka




Hadaba kooxaha ka yimid magalada Ottawa waxaa hogaaminayay mas’uuliyiin dhowr ah oo uu ka mid yahay nin dhalinyaro ah oo asaga qof ahaan ka mid ahaa raggii ku soo baxay tartamada noocan ah lana yiraahdo Yusuf Ahmed Mohamed ahna Youth Program Co-ordinator in Ottawa, Waxaa kaloo kooxda Westboro macalin u ahaa Cayaaryahankii caan ahaa ee kooxda Muqdisho iyo Xulka Qaranka Somaliyeed Abukar Ahmed Mohamed (Shiino) in kastoo uu ahaa dhinaca kubadda koleyga,haddase Abukar Shiino wuxuu tababar kubadda cagta siiyaa cayuurta Soomaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa,Sidoo kalae kooxaha Ottawa South & Ottawa Stars macalimiin u ahaa Yusuf & Mohamed Dahir






Hadaba Tartankaas oo ahaa mid aad u xiiso iyo xamaasad badnaa ,waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan barlamaanka dalkan Canada,sarkaal ka socday ciidan booliska magaalada Toronto iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan



Waxaa si gaar ah uga dhex muuqday dhinaca soo dhaweynta iyo gacansiinta kooxaha Macalinka Marshaale,Macalin Daahir Boodaaye iyo Sadaq Muumin oo runtii dhawaanahay si gaar ah uga dhex muuqday tartamada ka dhacayay magaalada Toronto gaar ahaa tartanii koobka Ramadan,

Ugu dambeyntii waxaa ku guuleystay tartanka kooxihii ka ymid magaalada Ottawa ,Hadaba waxaad ka daaawan kartaan wareysiyda boggan qeybta hore,waxaana wareysiyada qaaday tafatiraha somaliweek Mohyadin Jama







Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto