Xaflad Lagu Soo Dhaweeyay Laacibkii Mohamed Hagi Ureey

Mr.Mohamed H.Urey & Marwo Sacdiyo Ali Warsame

Dhageyso Khudbooyinkii Xaflada & Warbixintii Mohamed Hagi Adan Ureey

TORONTO Waxaa bishan May/2/2010,lagu qabtay hotel-ka Holiday Inn ee ku yaal galbeedka magaalada Toronto ee dalka Canada, xafad si wacan loo soo agaasimay oo lagu soo dhaweenayay laacibkii weynaa Mohamed Hagi Adan (Uurey) oo ka mid ahaa cayaartoydii cuslaatay ee naadigii Jeenyo iyo xulka qaranka Soomaliyeed ,oo safar howleed oo qaatay hal sano ku tagay Soomaliya gaar ahaan gobalada Puntland isagoo ujeeddada safarkiisa aheed taageerida iyo kobcinta isboortiga goboladaas iyo waliba soo qiimeynta heerka isboortiga ee gobolada Puntland si bahweynta isboortiga qurba joogta uga siiyo warbixin guud taasoo dhalin karta in xal waafi ah loogu helo in isbooritiga sidii looga bartay uga hirgalay gobaladaas Puntland
DAAWO XAFLADII MOHMAED HAGI UREEY

Habada waxaa xafladaas si hagar la’aan ah u soo abaabulay bahweynta isboortiga Toronto oo u si gaar aj gacan weyn uga geystay Abdirashid Hirsi Bakin ,isla markaana ahaa xiriiriyihii xaflada,waxaa kaloo xafladaas soo xaadiray odayaasha isboortiga Toronto iyo cayaarotydii cuslaatay ee xiligii barisamaadka







Waxaa xafladaas laga soo jeediyay khudbado intooda badan ku aadan mahad celin iyo in lagu daydo Mohamed Hagi Urey & Macalin Tuke oo waqtigooda u huray in dantooda gaar ahaaneed ka hormariyaan mida guud taas oo keentay in Mohamed Hagi Urey uu muddo hal sano ah ku qaadatay safarkiisa howleed iyo Macalin Tuke oo seddex bilood ku qaadatay

Xafladaas waxaa kaloo goob joog ka ahaa qaarka tirsan dumarka Soomaliyeed gaar ahaan kuwoodii isbooriga waxaana hogaaminayay Marwo Sacdiyo Ali Warsame oo ah xaaska Mohamed Hagi Urey,waxaana halkaas lagu guddonsiiyay ubax ka turjumaya in ay yihiin qoys ku soo barbaaray isboorti








Sido kale waxaa shahaadooyin mahad celin ah halkaas lagu guddoonsiiyay ganacsatadii u suurta galiyay Mohamed Hagi Ureey safarkii uu ku tagay dalkii,













Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto