Ambabixintii Mohamed Hagi Urey

TORONTO :Xaflad lagu sagootinayay cayaaryahankii weynaa ee naadiga Jeenyo iyo xulka qaranka Mohamed Hagi Urey,oo lagu qabtay maqaayada weyn ee bilicdasan oo lagu magacaabo KARUUR kuna taal magaalada Toronto ee dalka Canada

Mohamned Hagi Urey oo safarkiisa ku wajahan maamul goboleedka puntlant ah mid lagu horumnarinayo isbooriga gobaladaas,iyadoo laga hirgalinayo sidii loogu qaban lahaa tartamo cayaaro joogto ah iyo waliba soo nooleynta tarankii caanka ahaa ee gobalada somaliya



Hadaba xafladaas oo si heer sare ah loo so agaasimay,waxaa dhinaca xiriirinta gacanta ku hayay sidoo kale xiddigii kooxda Jeenyo Ahmed Abdikarim Welaayo loona yaqaan Cantar Jeenyo,waxaa kaloo meesha ka hadlay Prof Muuse Mohamed Nasir oo ku guubaabiyay Mohamed Hagi Urey in uu ka dhabeeyo talaabadas oo runti noqon karta mid lagu abuuro isku xirkii isboortigii somaliya gaar ahaan gobalada dalka oo dhan

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay halyeygii kubadda koleyga kana mid ahaa shantii Jeenyo isla markaana ah guddoomiyaha urur weynaha qurba joogta soomaliyeed Macalin Abdi Mohamed Ciye loona yaqaan Abdi Dheere,oo ku dheeraday qiimaha isboortiga u leeyahay qofka hadii ay noqon laheed dhinaca maskaxda iyo jirka,Wuxuu kaloo intaas ku daray Abdi Dheere in Mohamed Hagi Urey ku dhaqaaqay talaabo weyn taas oo qof kasta oo isboortiga ku soo jiray looga fadhiyo mid la mid ah



Kooxda kubadda cagta ee SOMALI UNITED ayaa waxay halkaas ku guddoonsiiyay dhar isboorti oo loogu talagalay maamulka cayaaraha gobalada Puntland

Ugu dambeyntii waxaa halkaas hadal qiimo badan ka jeediyay Abdinsir Mohamud Hagi Nuur,waxaana xiritaankii xafladas mahad balaaran u celiyay marti sharaftii ka soo qeyb gashay xaflaas lagu sagootinayay Mohamed Hagi Urey, xiriiriyihii xaflada Cantar Jeenyo



Sawirada Quruxda badan waxaa qaaday Mohamed Abdullahi Ganey oo ka tirsan maamulka sare ee kooxda kubadda cagta IFTIN

Mohyadin Jama
somaliweek.com
Toronto