Somali United Horyaalka Somali Week Tornto 2010

Somali Tigers oo cayaar heer sare soo bandhigay balse nasiibka diiday
TORONTO Maalinimadii Axada oo oo ku beegneed bishan july/11/2010,waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada lagu soo gabagabeeyay tartankii todobaadka Soomalida oo ay cayaarta kama dambesta isugu soo hareen kooxaha Somali United iyo Somali Tigers
Daawasho Wacan Quruxda Loo Camiray Garoonka Esther Shiner






Waxaa cayaartaas aad uga soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf ka timid dalka dibadiisa oo uu ka mid ahaa guddoomiyaha hayadda horumarinta dhaqanka iyo isboortiga Puntland ee dalka UK,Mudane Bashir Abdullahi Ali (Bashir Gurey) iyo macalinka xulka qaranka kubadda koleyga Soomaliyeed,Abdulkadir Hagi Dahir Shiikha,garoonka wuxuu ahaa mid jawigiisa aad u sareyay buuxna dhaafiyay baaxadii loogu talagalay iyadoo ammaanku aad u wanaagsanaa ka dib markii ciidanka ammaanka la keenay






Taageerayaal aad u badan oo u qeyliyay kooxda Somali United ayaa garoonka dhoobnaa,waxay sacab iyo sawaxan isku darayeen markii kooxda Somali United jaanta si fiican iskula helaan,waana wax lagu farxo laguna dayno sida maamulka kooxda Somali United u shideen garoonka,xasuus iyo waayo waayo ku reebay dadweynihii garoonka buux dhaafiyay,aheedna sida looga bartay isboortiga








Kooxda Somali Tigers oo ka timid gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka,waxay hore u haysatay laba horyaal 2009 & 2008 cayaarihiilagu qabtay Minnesota,kooxdani ma'aha cayaartoy waqti yar leysku keenay ama laga soo caareystay kooxaha kale,balse ay tahay koox muddo dheer dhisan,maamul iyo macalimiinta joogta ay gacanta ku hayaan,dhammaantoodna wada dagan yihiin magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota dalka Mareykanka,kooxdan waxaa aad loogu ammaanay cayaar wanaag iyo ansha wanaag,haddii ay badiyaan iyo haddii laga badiyoba ay si wanaagsan u gacan qaadaan kooxda kale,waliba ayagoo gacanta is heysta ay salaan ugu dhaqaaqaan dadweyhii garoonka joogay,taas oo runtii aan wali loogu arag Toronto,kooxdan waxaa si gaar ah u marti qaaday Abdirisaq Cadda oo ka tirsan guddiga TODAY,iyo kooxda kale ee ka timid isla Minnesota laguna magaacabo Minnesota Twins,ayagana si gaar ah loola dhacay cayaar wanaagooda,in kastoo labada kooxdba semi-finalkii isku soo baxeen halkaasna kooxda Minnesota Twins ku hartay


<br>
Cayaartay bilowgeedii waxaa aad u gacan sareyay kooxda Somali Tigers,oo kubadda u diiday kooxda Somali United,inta badana weerarka lagu hayay Somali United,waxayna taasi dhalisay in gool qurux badan kooxda Somali Tigers halkaas ka dhaliso,garoonkiina laga dareemay sacab iyo sawaxan aad u sareeyay,dhammaan kooxihii ka haray Toronto ka dhisnaa waxay taageerayaal u ahaayeen kooxda Somali Tigers,taas oo aad ka dareemeyso in uu jiray CHALLENGE aan caadi aheyn,iyo Somali United oo cashar lama ilooban ah u dhigtay kooxda Banaadir oo haysatay horyaalka Somali Week Toronto 2009
Kooxda Somali United wax niyad jab ah kuma dhicin,balse waxay sii kordhisay weerarkii iyo difaac adag oo isu dheelitaran,dhammaakii cayaarta ayay waxay Somali United helaan rigoore ,si qurux badana u dhaliyeen
Cayaarta waqtigii loogu talagalay waxay ku soo dhammaatay 1:1,waxayna si toos ah u aadeen rigoorayaal,maadama uu waqtiga ciriiri ahaa,waxaana kooxda Somali United u suurta gashay in ay si fudud uga guuleysto kooxda Somali Tigers,halkaas Somali United loogu caleemo saaro horyaalka Somali Week Toronto 2010,CONGRATULATION---KU DAYO KANA BARO THE NEWLY CROWN CHAMPIAN
Kooxda Somali Tigers oo qaar ka mid ah somaliweek u yimid waxay ka cabanayeen in magaca kooxda goor walba codbaahiyaha si qaldan looga sheegayay lana oranaya Minnesota Tigers,waxaa kaloo dadka qaarkii ka cabanayeen in ganacsato badan oo gacan ka geystay in cayaarahan ay qabsoomaan aan laga xusin garoonka balse lagu soo celcelinayay ganacsato kale oo aan xataaba aqoon guddiga TODAY ee soo qaban qaabiyay cayaaraha
Gabagabadhii cayaarta waxaa halkaas lagu bixiyay koobkii kaaliinta kowaad iyo labaad ,waxaana si gooni gooni ah amaal marino la siiyay cayaartoyda ugu fiicnaa,Kooxda Somali United waxaa guddoonsiyay koobka garsoorihii caalamiga ahaa ee Soomaliyeed Mohamed Farah Dabdamis,koobka kaalinta labaadna waxaa bixiyay guddomiyaha hayadda horumarinta dhaqanka iyo isboortiga Puntland UK,Mudane Bashir Abdullahi Ali (Bashir Gurey






Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto
|