XAFAD LAGU SOO DHAWEEYAY GABDHAHA XULKA QARANKA



TORONTO Waxaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada xaflad aad u balaaran oo aan oo kala harin laguna soo dhaweynayay Khatra Mahdi iyo Qamar Cabdi oo ka mid ahaa gabdhahii xulka qaranka kubadda koleyga Soomaaliya uga qeyb galay tartankii jaamacadda carabta ee lagu qabtay dalka Qatar bishii December 09.2011 iyo xoghayaha guud ee XSKK Siciid Faarax Ducaale

Xafladda waxaa soo agaasimay bahda kubadda koleyga ee ku dhaqan magaalada Toronto oo ay ugu horeeyaan gabdhihii kubadda koleyga barisamaadka,xafladaasi waxay ka dhacday maqaayada Dabagooye taariikhdu markay aheed Jan.14.2012
DAAWO SIDA XAFADDA U DHACAY OO MAQAL & MUUQAAL AH





Gabdhihii hore kubadda koleyga

Xakiim K Somali United Head Coach

C/rashid Bakin Gudd.Ku Xigeenka XSKC



Khata Mahdi & Qamar Abdi





Cabdirisaq Marayare with the Dream Team



Siciid Faarax Xog.XSKK & Cabdirisaq Geedi





Cabdirisaq Marayare & Cabdi Depitate

Maxamed Tuke & Cabdulkadir Dhamme

Waxaa hadalo soo dhaweyn,hambalyo iyo bogaadin isugu jira ka soo jeediyay qaarka tirsan marti sharaftii ka soo qeyb gashay xafladda ,sacabka,sawaxanka iyo jawiga xafadda waxay aheed mid aan qoraal lagu soo koobi Karin ,haddii aan idiin xuso dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Garsoore hore Maxamed Faarax ,Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere),Cabdrisaaq Xuseen Geedi,Sahra Geelle,Sacdiyo Jakam iyo Guddoomiye ku xigeenka XSKC Cabdirashid Xasan Xirsi Bakin,waxaana xafladdaasi xiriirinayay Axmed Cali Yuusuf Dhabaryare

Ugu dambeyntii waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Khatra iyo Qamar oo labaduba ka mid ahaa gabdhihii matalayay xulka kubadda koleyga Soomaaliya,waxayna uga mahad celiyeen dhammaan shacabka Soomaaliyeed taageerada iyo sida kal gaceylka ku jira ee logo soo dhaweeyay Toronto















Gabagabadii xafladda waxaa warbixin guud ka soo jeediyay xoghayaha guud ee XSKK Siciid Faarax Ducaale ,wuxuu ka waramay sida abaabulka ku soo bilowday iyo xilligii loo magacaabay xilka xoghayaha guud ee XSKK oo muddo gaabana u dhaxeysay haddana uu taageero iyo garabba uu ka helay bahdweynta kubadda koleyga,taasoo suurta galisay in guushaas taariikhiga ah ee cayaaraha jaamacadda carabta aynu ka soo hooyno

Xoghayaha Siciid wuxuu kaloo ammaan balaaran u soo jeediyay madaxda XSKK ,GOS,madaxa tartanka Cumar Cabdulqadir Baarajab,Macalinmiinta xulka qaranka Maxamed Shiikh iyo Cali Gurey,waliba wuxuu si gaar ah u xusay shaqsiyaadkii waqtigooda u soo huray oo ka soo qeyb galay tartankaas,ugu dambeytii wuxuu ammaan u soo jeediyay waalidiiintii dhashay gabdhihii ka qeyb galay cayaaraha













Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto