Wareysiga Guddoomiyha Badbaadinta Sportiga Soomaaliya Cabdalla Quuq TORONTO Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafadda Xamar Weyne looga dhawaaqay urur cusub oo lagu magacaabo ururka badbaadinta isboortiga Soomaliya,waxaana ururkaasi ka tirsan qaarka mid ahaan jiray xiddigihii hore ee kubadda cagta Soomaaliya sida Jeylaani Khaliif,George,Cali Xamari,Cabdi Kuus,Shaarkey,Siidkey,shiikha, Xabiib,Maxamed Muuse iyo Qaasim Salaad Geelle oo loo yaqaan Dhagnaas,waxaana ururkan guddoomiye u ah Cabdalla Cumar Cali (Cabdalla Quuq) oo ka mid ahaan jiray xiddigihii ugu cad caddaa ee soo maray kooxda batroolka iyo xulka qaranka Soomaaliya
Waxaa Somaliweek fursad u hesho in xog-wareysi la yeelato guddoomiyaha ururkan badbaadinta isboortiga Soomaaliya Cabdalla Quuq iyo Qaasim Salaad Geelle Dhagnaas oo labduba ku sugan magaalada Muqdisho
Waxay Somaliweek uga warameen in dhibaatooyin iyo wax ay ku tilmaameen in isboortiga Soomaaliya uu gacanta u galay niman kibray oo cid kale aan waxba u ogoleen,
Somaliweek waxay idiin balan qaadeysaa haddii Allah idmo in ay la xiriirto madaxda xiriirka kubadda cagta iyo guddiga Olimbikada Soomaaliyeed si ay dhinacooda uga hadlaan eedeymahan loo soo jeediyay waxa ka jira iyo sida ay u arkaan ururkan cusub ee badbaadinta isboortiga Soomaaliyeed