Casho Sharaf lagu Qabtay Toronto

Waxgarad u istaagtay Isbadal Ku Sameynta Maamulka Isboortiga Toronto


TORONTO Waxaa lagu qabtay maqaayada Karuur oo ku taal magaalada Toronto ,xaflad weyn oo si qurux badan loo soo agaasimay.iyadoo lagu sagootinayay qaarka tirsan kooxihii ka qeyb galay tartankii todobaadka cayaaraha soomalida Toronto 2009 iyo raali galin ku aadan sidii ay ku dhammaatay cayaartii Finalka

Xafladaas waxaa si gaar ah ugu istaagay qabashadeeda mas’uuliyiin ka tirsan kooxaha magaalada Toronto sida Iftin,Somali United,Toronto United,Albion iyo Northern Stars iyagoo u sameeyay xaflad casho sharaf ah laguna tilmaami karo mid taariikhi ah marka laga fiiriyo sida ay ku dhacday xafladaas cashada ah,taas oo aad ka daawan kartaan FILM ka somaliweek.com ka soo duubtay




Xiriiriyaha xaflada casho sharafta wuxuu ahaa Xasan Abdullahi Xasan (Xasan Tuke),waxaana si gaar ah cashadaas loogu maritqaaday maamulka,macalimiinta iyo cayaartoyda kooxaha Wembley United iyo Simba Norway

Martidii halkaas ka hadashay waxaa ka mid ahaa Macalinka kooxda Wembley United Abdiraxim oo si gaar ah ugu mahad celiyay dadkii soo qaban qaabiyay xaflada cashada aheed,kana muujiyay walaac weyn guddigii qaban qaabiyay cayaaraha oo garan waayay mas’uuliyida weyn ee ka saarneed kooxaha martida ku ah taranka, ka dib markii cayaartoy aad u da’yar kana tirsan kooxada Wembley United, laguna magacaabo Abdirahman Mohamud uu dhaawac ka soo gaaray cayaartii semi-finalka ay kaga hortageen kooxda Cardiff,Guddigana garan waaya xataa in ay ka soo wardoonaan xaalada caafimaad ee Abdirahman Mohamud ku sugan yahay taas oo tustay bahweyntia reer Toronto in guddigaas aan lagu fiirsan karin maamul xumada iyo sumcada darada ay soo gaarsiiyeen cayaaraha todobaadka somalida Toronto 2009,iyo sidii ay ku dhammaatay cayaartii Finalka ee dhexmartay Wembley United iyo Banaadir

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Abdullahi Salad oo ka tirdan maamulka kooxda Wembley United una mahad celiyay maamulka kooxaha magaalada Toronto sida gaar ah ee ay isugu xilqaameen xaflada casho sharafta lagu sagootinayo kooxdooda iyo kooxda Simba Norway,wuxuu kaloo Mohamed Salad ammaan balaaran u soo jeediyay cayaartoyda iyo macalinka kooxda Wembley United Abdiraxim dadaalka weyn ee ay muujiyeen intii uu socday tartanka cayaaraha todobaadka somalida Toronto 2009







Waxaa si lama filaan ah loogu yeeray in casho sharafta uu hadal gaaban ka yiraahdo Abdirahman Mohamud oo ahaa cayaaryahankii ugu da’da yaraa dhawaacna ka soo gaaray tartanka ,wuxuu mahad balaaran u soo jeediyay dadkii qaban qaabiyay xaflada iyo maamulka,cayaartoyda kooxda Wembley United iyo Macalinkooda Abdirahim

Halkan ka daawo sidii ay u dhacday xaflada iyo waliba khudbooyinkii laga jeediyay

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay maamulaha kooxda Simba Norway Mr.Qaamuus,isagoo mahad balaaran u celiyay dadkii soo qaban qaabiyay casho sharafta lagu sagootinayay kooxaha Simba Norway iyo Wembley United,wuxuu kaloo Qamuus ka waramay in kooxdiisa Norway iyadoo diyaar u ah in ay ka qeyb galaan cayaaraha todobaadka somalida Toronto 2009 qarashkoodana watay in loo diiday ilaa iyo haddana aysan garaneynin sababta taasi ku dhacday ,wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay maamulka kooxaha Iftin iyo Somali United oo dagaal weyn u galay in Simba Norway ka qeyb galaan tartanka kuna guuleysteen arintaas iyada ah





Dhinaca maamulka kooxaha magaalada Toronto oo ka hadlay casho sharafta waxaa ka mid ahaa ,guddomiyaha kooxda Somali United ,Mohamed Yare,Abdulkadir Joof oo ka socday kooxda Albion,Cabbaas oo ka socday kooxda Iftin,Libaan oo ka socday kooxda Toronto United iyo Yonis oo ka socday kooxda Northren Stars

Gabagabadii casho sharafta waxaa ka hadlay Ahmed Ali Yusuf oo ka mid ahaa cayaartoydii hore ee kooxda kubadda koleyga Jeenyo kana socday Raadiyaha Codka Beesha iyo Telefishinka Muqaalka Soomalida





Rigooradii ugu dembeysay ay Wembley United Ka Dhalisay Banaadir

Waxaana soo xiray xafladaas casho sharafta aheed guddoomiyaha urur weynaha qurba joogta soomaliyeed ee kubadda Koleyga SSIFO Abdi Mohamed Ciye (Abdi Dheere) oo runtii halkaas ka jeediyay hadal qiimo badan oo isugu jiray gubaabo,dib u habeynta guddiga cayaaraha somaliweek toronto,dadaalkii kooxihii ka soo qeyb galay tartanka iyo isagoo si gaar ah walaac uga muujiyay sidii ay ku dhammaatay cayaartii somaliweek Toronto

Ugu dambeyntii waxaa halkaas leysaga qaaday sawir xasuus leh oo dhammaan aad ka daawan kartaan shabakadam somaliweek

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto