Koobka Bisha Barakeysan ee Ramadan

Hoos Ka Daawo Xafladii Qorituurka

TORONTO Waxaa xalay oo taariikhdu aheed August/16/2009,lagu qabtay magaalada Toronto xafladii Qorituurka koobka bisha barakeysan ee Ramadan,Waxaana soo diyaariyay guddiga TODAY

Waxaa xafladaas qorituurka ka soo qeyb galay qaarka tirsan dadkii magaca weyn ku lahaa isboortiga somaliyeed uguna horeeyay,garsooorihii caalamiga ahaa Mohamed Farah Dabdamis,Cumar Ganjab,Turumbo,Ali Gurey iyo guddoomiyaha urur weynaha qurba joogta Soomaliyeed ee kubadda koleyga SSIFO Abdi Mohamed Ciye (Abdi Dheere)

Sidoo kale waxaa goobta joogay 8dii kooxood ee ka qeyb galeysay tartanka koobka bisha Ramadan oo la filaya haddii Alla idmo in uu furmi doono habeenimada Jimcaha oo bishan August/21/2009,waxayna kala yihiin kooxaha kala ah,IFTIN,SEIF FC,DIXON FC,HILAAC,SCARBOROUGH FC,TORONTO UNITED,TORONTO STAR & ALBION
Abdi Adan Jabril

Madaxa guddiga TODAY u qaabilsan koobka Ramadanka

Ganjab,Ali Gurey,Abdi Dheere,Dabdamis &Turumbo

Halkan Ka Daawo Xafladii Qorituurka Koobka Ramadanka Toronto





Ugu horeyn waxaa furay xaflada furitaanka madaxa guddigi koobka bisha barakeysan ee Ramadan Abdi Adan Jibril oo ka tirsan guddiga TODAY,una sheegay kooxaha ka qeyb galaya sharciyada lagu maamulayo tartanka koobka bisha barakeysan ee Ramadan,kuna adkeeyay maamulka iyo cayaartoyda in ay muujiyeen wanaagii lagu yiqiin isboortiga iyo waliba in ay ilaaliyeen waqtiga koox kasta laga rabo in ay garoonka ku soo xaadirto






Xafladaas Qorituurka oo mid si gaar ah loo soo agaasimay iyadoo koox kasta sidatay astaan weyn oo ku qoran magaca kooxda iyo iyadoo halkaas dhammaan dadkii joogay lagu soo dhaweeyay macmacaan iyo cabitaan qabow

Waxaa kaloo xaflada ka hadlay Mohamed Farah Dabdamis,Ali Mohamud Ciise (Ali Guray ) oo ka tirsanaan jiray naadigii kubadda cagta Horseed iyo Xulka qaranka,Cumar Ganjab oo ka tirsanan jiray naadigii kubadda cagta Wagad iyo xulka qaranka, Mohamed Mohamud Ali (Turumbo) oo ka tirsanaa naadigii kubadda cagta Jeenyo iyo Xulka qaranka iyo Abdi Mohamed Ciye (Abdi Dheere)guddoomiyaha SSIFO,kana tirsanaan jiray naadigii kubadda koleyga Jeenyo iyo xulka qaranka







Intaas ka dib,waxaa bilowday qorituurkii 8da kooxood,waxaana loo kala qaaday Group A oo ay ku jiraan

GROUP A
1.Scarborough FC
2.Dixon FC
3.Toronto Star
4.Hillac

GROUP B
1.Seif FC
2.Albion
3.Iftin
4.Toronto United

Waxaana kaloo jiri doono 4 kooxood oo cayaartoydii cuslaatay ah











Waxaana cayaarta ugu horeysa oo bilaaban doonto haddii alla idmo habeenimada Jimcaha oo bisha August/21/2009,ayna furi doonaan group A,laguna qaban doono garoonka dedan ee ku yaal Martin Grove & Steeles,waxayna cayaarta bilaaban doontaa 11.30 PM,waxaana ciyaari doona

SCARBOROUGH VS DIXON FC
TORONTO STAR VS HILAAC

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto