![]() ![]()
|
![]() Xaalada Caafimaad ee Wasiirka Dhageyso Wareysiga Abdullahi Colaad TORONTO Somaliweek waxay wareysi la yeelatay Abdullahi Colaad Rooble oo la dhashay wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga Soomaliyeed Salebaan Colaad Rooble oo jooga magaalada Jeddah ee dalka boqortooyada Sacuudi Careebiya,halkaas oo lagu daweenayo wasiirka isbitaalka King fahad Medical Center. Abdullahi wuxuu ugu horeyn ka waramay in wasiirka xaaladiisa caafimaad markii la fiiriyo siday aheed markii hore in uu aad uga soo raynayo uuna ka baxay miyir la’aantii ka dib markii dhowr qaliin lagu guuleystay Ilahay mahadiis,waxaana u harsan hal qaliin oo qoorta ah ,halkaas uu firir kaga jiro ![]() King Fahd Medical Center Abdullahi wuxuu sheegay isagoo ku hadlay magaca qoyska reerk Rooble in fursadan somaliweek siisyay uu mahad balaaran uga celinayo dhammaan dadkii la qeybsaday dhawaca soo gaaray wasiirka iyo kuwa mar kasta xiriiirka joogtada ah la soo sameeya qoyska taas oo runtii na galisay nayad sami ilahayna aan uga baryayno in wasiirka iyo inta dhaawaca ahba caafimaad siiyo Abdullahi wuxuu kaloo somaliweek u sheegay in uu aad uga xun yahay xiriir la’aanta madaxda guddiga Olyimbikada Somaliyeed GOS iyo xiriirada kale ku dhacday .taas oo uu sheegay in hal qof oo ka tirsan uusan xaalada wasiirka kala soo xiriirin Mohyadin Jama somaliweek Toronto |