THE PEOPLE'S CHOICE

Maamulka somaliweek Toronto 2010


Seddeedan xubnood waxaa cod qoraal ah ku doortay akhristayaal badan oo email u soo diray boggan somaliweek,si bahweynta degan magaaladan Toronto u hoggaamiyaan shaqsiyaad dadweynaha si toos ah u xushaan,

Waliba qoraalka emailka qaarkood waxay sheegeen in xubnahan haddii loo daayo maamulka,in ay Toronto dib ugu soo celin doonin xariiqdii cagaarneed ee isboortiga kala qeybin jirtay

Waxay kaloo akhristayaasha ku bogaadiyeen xubnihii laga tagay waxtarkoodii,kulana dardaarmeen taageero u haynta xubnaha cusub,waxaa kaloo intaas ku dareen akhristayaasha in xubnihii codka waayay in aysan marna ku dhaqaaqin jabhadeyn isboorti iyo shirar isboortiga lagu kala qeybinayo

Magacyada xubnaha cusub waxay kala yihiin, ka bilow sawirka hore bidix,Sadaq,Xinbil,Liban,Ganey,sawirka hoose ka bilow bidix,Hassan Dahir,Musse,Cadde iyo Abdi Adam

Halkii laga xushay seddeeda xubnood somaliweek toronto 2010

TORONTO Dhammaan bahweynta cayaaraha jecel waxaan ka codsaneynaa in ay fikirkooda ka dhiibtaan,isla markaana qiimeyn ku sameyaan dhammaan xubnihii ku jiray guddigii qaban qaabinayay cayaaraha todobaadka soomalida ee sanadkan 2009 lagu qabtay Toronto ,iyadoo sida aad ka warqabtaan sanadkan cayaaraha si wadajir ah loo qabtay

Sida aad dusha sare ka arkeysaan,sawiradii guddiga oo dhan ayaad idiin muuqda ,bal si fiican uga feker shaqsiyaadka wali loo baahan yahay in ay sii wadaan maamulka cayaaraha todobaadka soomalida Toronto,fadlan dhiibo fikirkaaga adigoo fiirinaya danta guud iyo shaqsiyaad aad isleedaha ENOUGH IS ENOUGH, iyo kuwa aad isleedahay KEEP DOING IT

Haddii aad dooneyso magacyada xubnahan guddiga ku jiray,waxay kala yihiin,Muqtar Cutti,Oday Mursal,Farah Oday,Hassan Dahir,Cadde,Musse,Xinbil,Abdirabi,Sadaq,Hussein Hagi,Ganey,Diinay,Libaan,Abdullahi Yusuf iyo Abdi Adan

Fadlan ku soo qor rayigaga emailkan somaliweek@hotmail.com ,qiimeynta qoraaladiina ka dib waxaan u gudbi doonaa haddii alla idmo wareysiga aan ka soo ururin doono dadweynaha

Mohyadin Jama
somaliweek
Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto