Tartankii Kubadda Koleyga oo Ka Furmay Magaalada Toronto Canada
TORONTO Tartankii kubadda koleyga Toronto 2011,ayaa shalay oo taariikhdu ahayd July.01.2011,ka furmay magaalada Toronto,waxaa si qiimo badan oo waliba aqoon iyo waayo aragnimo isboorti weheliso u soo abaabulay bahda kubadda koleyga ee ku nool magaalada Toronto,Cabdi-nuur Diiriye (Cabdi Depitaate) oo ah guddoomiyaha qaban qaabada tartanka kubadda koleyga Toronto 2011 ayaa warbixin dheer ka soo jeediyay sida uu ku soo bilowday abaabulka Tartanka
Waxaa ka soo qeyb galay marti sharaf aad u fara badan ugu horeeyo macalinkii kubadda koleyga Axmed Carab,garsoorihii caalamiga kubadda koleyga Soomaaliyeed Cismaan Xalane Xarash,Waxaa si gaar ah uga dhex muuqday abaabulka tartanka gacan weyna ka geystay xoghayaha XSKK Siciid Faarax Ducaale,hadaba sida uu ku furmay tartanka iyo hadaladii laga soo jeediyay xaflada waxaad ka daawan kartaan boggan Somaliweek