IFTIN 1 SIMBA NORWAY 0

Abdulkadir-Goolkii Guusha

TORONTO : galabnimadii Arbacada oo bishu July/08/09,aheed ayaa waxaa ka dhacay garoonka dedan laba cayaar,tii kowaad waxay ku dhexmartay kooxaha Northern Stars iyo Dixon Youth,waxayna ku soo dhammaatay 4:0,sidaasna waxaa wareega labaad u soo baxday kooxda Northern Stars


Cayaartii labaad oo runtii aheed mid aad loo sugay,waxaa isaga hor yimid kooxaha Simba Norway iyo Iftin,dadweyne aad u fara badan ayaa garoonka yimid,taas oo aheed in labadan kooxood ay mid kood u soo baxdo wareega kowaad,halka Kooxda Iftin badis iyo bar bar dhac labada ku soo baxeysay,Simba Norwayna badis kaliya ayay wax ku laheed,cayaartii markii ay bilaabatay,ayaa waxaa labada kooxood soo bandhigeen cayaar wanaagsan,qeybti hore waxay ku soo dhammaatay 0:0,markii laysku soo noday ayay labada kooxood wax weyn ka soo badaleen cayaartooda gaar ahaan kooxda Iftin oo hal cayaaryahan laga saaray markii uu qaatay laba kaar oo jaalle ah,labada kooxoodba waxay heleen fursado badan oo ay goolal ku dhalin karaan,haddana waxay kooxda IFTIN u suurta gashay in ay gool ku hormaraan,taas oo keentay in kooxda Simba Norway soo foodsaartay cadaadis weyn ,dhowr marna weerar qaadeen balse difaaca IFTIN uu hor istaagay,waxay na cayaarta ku soo dhammaatay 1:0 ay ku badisay kooxda IFTIN,waxayna kooxda IFTIN u soo baxday wareega labaad,iyadoo ka aadan kooxda Rochester NW













Mohyadin Jama
somaliweek.com
Toronto