Natiijadii cayaarihii shalay iyo maanta


TORONTO Shalay oo bisha July ku beegneed,06/2009,ayaa waxaa wada cayaaray kooxaha Banaadir iyo Edmonto,waxaana 2:0 ku badiyay kooxda Banaadir,cayaartii labaad,waxay dhexmartay Wembley United iyo Seif FC,waxaana 3:2 ku badiyay Wembley United,Cayaartii Seddexaad oo aad lo sugayay waxa wada cayaaray kooxaha Cardiff iyo Iftin,waxaana 2:1 ku badiyay Cardiff

Maanta oo taariikhdu tahay July/7/2009,waxaa wada cayaaray Somali United iyo Hilltop,waxayna ku dhammaatay 2;2,Cayaartiii labaad waxay dhex martay kooxaha Albion iyo Rochester,waxayna ku soo xirantay 2:2,

Haddi alla idmo barito oo bisha July/08/2009 tahay,cayaarta kowaad waxay bilaaban doontaa 1.30 PM Duhurnimo,waxaana wada ciyaari doona Northern Stars iyo Dixon Youth,Cayaarta labaad oo sida weyn loo sugayo waxay dhexmari doontaa kooxaha Aftin iyo Simba Norway,waxayna bilaabaneysaa 3.00 PM











Mohyadin Jama
Toronto