Kooxda SEIF FC oo u soo baxday Final

TORONTO Waxaa si rasmi ah uga furmay garoonka Soccer Centre ee ku yaal magaalada Toronto,caawa oo taariikhdu ku beegan tahay September/11/2009, cayaarihii Semi-Final-ka ee koobka bisha barakeysan ee Ramadan


Furitaankii Cayaarta Labada Captain & Garsoore Anthony



Waxaana cayaarta lagu furay kooxaha Seif FC iyo kooxda Toronto Star,oo labaduba u soo gudbay Semi-Final-ka.Runtiina ah laba kooxood oo farsamadooda iyo asluubtoodu aad u sareysa taasna aad ka garaneyso ilaa bilowgii cayaaraha koobka bisha barakeysan ee Ramadan in ay soo bandhigi jireen cayaar farsamdeeda sareyso aadna loo jecleystay

Garsoore Anthony



Hadaba markii uu firimbiga yeeriyay garsoore Anthony ,ayaa cayaarta waxaa weerar dar dar leh la soo baxay kooxda Toronto Star oo ilaa shantii daqiiqo ee ugu horeysay kubadda lagu hayay goolka kooxda Seif FC, Balse waxay cayaarta is badashay markii kooxda Seif FC ay weerarkii ugu horeeyay ay gool ku dhaliyaan,taas oo keentay in kooxda Toronto Star ay cayaartooda wax ka iska badaleen

Kooxda Seif FC intaas kuma ekeen ee waxay bilowday weeraro is daba jooga ah ugu dambeyntii na ay kaga badisay kooxda Toronto Star 5:0 ,halkaasna ay kooxda Seif FC ugu soo baxday cayaarta Finnal-ka ,ayna sugeyso kooxaha Dixon FC iyo Iftin kooxdii soo badisay



Dhammaadkii Cayaarta


Macalinka kooxda Toronto Star

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto