![]() ![]()
|
![]() Ibrahim Shaash & Mohamed Ismacil Dhageyso Jawaabta Mohamed Ismacil Siteey & Ibrahin Shaash TORONTO Waxaa bisha July horaanteeda sanadkan 2010 haddii alla idmo ka furmi doono magaalada Toronto tartan kubadda koleyga ah oo ay abaabulkiisa si habsami leh hadda gacanta ugu hayaan cayaartoydii cuslaatay,taas oo si niyad sami iyo qalbi furnaan ku jirto ay u soo dhaweeyeen dhammaan bahweynta isboortiga qurba joogta mar laga reebo shaqsiyaad ka tirsan XSSK oo isu tusay in tartamada noocan oo kale ah ay fashil ku yihiin waxqabad la’aanta ka muuqata XSKK iyo gacanta ay ka geysteen burburintii urur weynihii kubadda koleyga SSIFO oo lagu dhisay dalka UK sanadkii 2008,intaa kaliya kuma ekaan shaqsiyaadkaas waxay baajiyeen tartan kubadda koleyga oo si weyn looga diyaar garoobay dalka sweden sanadkii 2009 ,haddana ay si cad saxaafada ugu baahiyeen in waqtigan la joogo in aan wax tartan kubadda koleyga ah la qaban karin Hadaba su’aasha isweydiinta leh waxay tahay dadku nool dalka dibadiisa qeyb ma ka noqon karaan xiriirada dalka guddihiisa ka dhisan ? Su’aashaas waxaa si cad jawaab kulul uga bixiyay laba cayaartoyd oo ka mid kuwa ugu magac dheer isboortiga Soomaliyeed oo kala Mohamed Ismaciil cali SITEEY iyo Ibrhaim Ahmed Ali Shaash oo lababa ka tirsanaa kooxda xoogga dalka Somaliyeed Horsee iyo xulka qaranka Waxaa mar wareysi siiyay telefishinka ETN,xoghayaha XSKK oo sheegay in tartamadii kubadda koleyga dalka ay hadda u xayiran yihiin garoonkii luujino nabad galyo daro awgeed,taas oo dad badan oo somaliweek la soo xiriiray ku tilmaameen in maamulka XSKK iyo qaar ka tirsan macalimiinta qaranka in sida ugu dhaqsaha badan talaabo looga qaado Guddoomiha guddiga GOS Adan Hagi Yabarow oo si rasmi ah loogu martiqaaday in uu ka soo qayb galo tartanka kubadda koleyga ee lagu qaban doono Toronto bisha July 2010,wuxuu guddoomiyuhi aad ugu riyaaqay maamulka tartanka gacanta ku hayo oo uu ku tilmaamay talaabo ku dayasho mudan Hadaba hogaanka GOS ma ka war hayaa dhaqdhaqaayada maamulka XSKK? Waxaa somaliweek isku dayday in wareysi la yeelatay guddoomiye ku xigeenka XSKK balse uu ka gaabsaday in xiligan la joogo uu saxaafada war siiyo,haddana waxaan idiin soo gudbin doono wareysiyo badan oo ku saabsan XSKK iyo wuxuu qabtay labadii sano ee ugu dambeysay haddii allah idmo ? Mohyadin Jama somaliweek Toronto |