![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Wareysiga Ahmed ShellTORONTO Waxaa Somaliweek u suurta gashay in ay wareysi dhinacyo badan taabanaya la yeelato Ahmed Shell,oo ka mid ahaan jiray madaxdii sare ee wasaaradii shaqada iyo isboortiga Soomaliyeed xiligii burburka ka hor Ahmed Shell wuxuu si faahfaasan uga waramay xiligii maamulkii dowladnimo iyo kala dambeynta ay wadankii ka jirtay sidii uu ahaa maamulka isboortiga Soomaliya iyo heerka uu taagnaa isboortiga Soomaliyeed,Ahmed Shell wuxuu sheegay in naaneysta SHELL ay ugu baxday xiligii uu maareeyaha guud ka ahaa shirkadii batroolka Shell Ahmed Shell wuxuu kaloo ka waramay urur hor leh oo lagu magacaabo ururka mideynta qurba joogta isboortiga Soomaliyeed ee UK,oo uu madax ka yahay Ahmednur Mohamed Hashi (Seyga Ruushka)guddoomiye ku xigeena uu ka yahay Abdulkadir Hussein Bootaan (Isoomaray),Ahmed Shell wuxuu sheegay in urur isboorti oo qurba joog ah uu hore u dhisnaa haddana urur kale in la dhiso waxay macnaheedu tahay in lagu dumiyo kii hore ,taasna waa nasiib daro haysata ummadda Soomaliyeed Hadaba Wareysiga Ahmed Shell waxaad ka dhageysan kartaa boggan Somaliweek Mohyadin Jama Somaliweek Toronto |