![]() ![]()
|
![]() Wareysiyada Somaliweek la yeelatay dadweynihii joogay New River Stadium LondonLONDON Ciyaaraha koobka Somaliweek London ayaa si xiiso badan uga socda magaalada London, waxaana la dheelay ilaa iyo hada 4 ciyaarood, kooxuhuna waxay soo bandhigeen ciyaar wanaag iyo asluub. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Koobka waxaa u soo daawasho tago maalin kasto boqolaal Soomaali ah oo degan magaalooyinka dalkaan Ingiriiska iyo kuwa kale oo kaga yimid dalal kale si ay u daawadaan cayaaraha todabaadka Somalida ‘’Somaliweek’’ ee ka furmay magaalada London. LEICESTER STARS Vs WEST 12 Kooxda Leicester Stars Vs Kooxda West 12 ayaa ciyaar aad u xiisa badnayd ku dhaxmartey garoonka New River ee xaafada Totenham, labada kooxood ayaa soo bandhigey ciyaar ay aad uga heleen dadkii ka soo qayb galay daawashadooda. Biloowgii ciyaarta ayaa kooxda Leicester Stars laga saarey ciyaaryahan ka tirsan kooxdooda oo qalad u sameeyay garsooraha ciyaarta garsoorayay ku siiyay calaamada gaduudka (Red card), hasa yeshee kooxda xidigaha Leicester waxay dhaliyeen 3 goal oo xiriir ah, iyagoo uu hal ciyaaryahan ka maqan yahay, balse markii la isugu soo laabtey ciyaarta qaybteedii dambe waxaa u suurta gashay kooxda West 12 oo ka timid galbeedka magaalada London inay barbar dhac la noqdaan kooxda Leicester, ciyaartiina waxay noqotey mid dardar kale gashay oo xiisa badan. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() kooxda Leicester Stars ayaa ka timid magaalada Leicester ahna koox mudo dheer dhisnayd lagana yaqaano koobabka lagu qabto dalkaan iyo Yurub. Fursad qaali ah u lumiyay gabagabadii ciyaarta ciyaaryahanka ugu qatarsan kooxda Leicester ee u dhaliyay 3-da goal weerar rogaan celin ah ay ku qaadeen kooxda West 12 goalka kooxda Leicester Stars ayay kaga dhaliyeen goalkii 4aad ee guusha, sidaasna waxay ciyaartii ku soo dhamaatey 4 goal iyo 3 goal, guushiina waxaa la caraabey kooxda West 12 oo lagu tiriyo kooxaha ugu culus koobka Somaliweek. ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() CARDIFF WARIORS Vs LONDON STARS Garoonka The Pavilion oo ku yaal xaafada Stone bridge park ee galbeedka magaalada London ayaa shalayto lagu qabtey koobkii Somaliweek markii ugu horeysay taariikhda,madaama lagu qaban jirey kaliya garoon ku yaal waqooyiga magaalada, waxaana ciyaar aad u xiisa badan isaga hor yimid kooxaha kale ah Cardiff Wariors iyo London Stars. Labadaan kooxood ayaa ka mid ah kooxaha ugu wanaagsan Soomalida degan London iyo Wales, kooxda Cardiff Wariors waxay ka dhisan yihiin caasimada dalka Wales ee Cardiff, halka kooxda facaweyn ee caanka ah London Stars ay ka dhisan yihiin magaalada London mudo dheer, waxaana tababare u ah macalin Dahir Gacamey oo ka tirsanaan jirey ciyaartooydii heerka koowaad ee dalka Soomaaliya barisamaadkii iyo kooxdii Muqdisho ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Ciyaartan ayaa ku bilaabatey dardar iyo firfircooni ay muujinayeen kooxda Cardiff Wariors oo aad moodo inay aad u doonayaan inay galabta ciyaarta kaga naxsadaan kooxda London Stars, inkastoo dadka garoonka u soo daawasho tagey ciyaarta ayaa ii sheegeen in maanta loo yaabo kooxda Macalin Dahir xidigaha magaalada London, madaama ay ka maqnaayeen laacibiin badan oo kooxda sal dhig u ahaa guulihii iyo ciyaar wanaagii lagu bartey, halka kooxda Cardiff ay ka muuqatey inay u soo qalab qaadatey sidii ciyaarta maanta dhibcaha jeebka ugu shuban lahayd. Kooxda Cardiff ayaa labo goal oo qurux badan ka xareeyay ciyaarta qaybteedii hore goalka kooxda London Stars, ciyaarayahanada kooxda Cardiff Wariors u safnaa xirnaana lambarada 10,12,16 ayaa runtii soo jiitey qaabka u ciyaarayaan dadwaynihii Soomaaliyeed ee dawanayay ciyaarta, halka ciyaaryahanada kooxda London Stars ee xirnaa lambarada 6.7.10. 13 ay iyana dadaalkooda iyo ciyaartooda la mid ahayd ciyaaryahanada aan kor ku soo sheegay qaabka u dhalayaan, qaybtii koowaad ciyaarta waxay ku soo dhamaatey in kooxda Cardiff Wariors 2 goal ku hogaamiyaan. Ciyaarta qaybteedii labaad markii lagu soo laabtey waxay kooxda xidigaha London muujiyeen isbadal aad u weyn halka kooxda Cardiff aad moodo inay ciyaartiiba u badaleen iska cabin iyo inay goalka dhabarka gashtaan madaama ay horeeyaan, halka macalin Dahir iyo ciyaartooydiisa ay doonayaan inay iska soo gudaan goalasha lagu leeyahay. Ciyaaryahanka Bashiir oo lambarka 17aad u sitey kooxda London Stars oo la soo galiyay ciyaarta qaybteedii dambe ayaa gabi ahaanba kale wareegay maamulida dhaxda kooxda Cardiff Wariors, islamarkaana isteerinka u qabtey hogaanka kooxdiisa kadib markii ciyaaryahan Cabdi Dahir la siiyay calaamada casaanka kadib markii qalad lagu galay uu ka sameeyay fal celin, kooxda London Stars ayaa labo goal ku hubsaday goalka Cardiff . Ciyaartiina waxay noqotey mid xiiso badan oo labo iyo labo ah barbaro, dadka garoonka buuxaney intooda badan waxay u sacabatumayeen kooxda London Stars madaama ay xaafadooda ku ciyaarayeen, inkastoo dhawr taageero ay kale yimaadeen kooxda Cardiff dalka Wales, laakinse wax ka yar 10 daqiiqo dhamaadkii ciyaarta ayay u suurtagashay kooxda London Stars inay ka dhaliyaan goalkii 3aad kooxda Cardiff Wariors, ciyaartiina waxay ku soo dhamaatey 3 goal iyo 2 goal oo ay guushii ku raacdey kooxda London Stars. Macalin Dahir iyo kabtanka Bashiir oo aan kula kulmey garoonka markii ay ciyaarta dhamaatey ayaa ii sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin guusha galabta kooxdooda iyo qaabkii ay ku ciyaareen ciyaartooydooda qaybtii dambe ciyaarta. HORSEED Vs UNITED STARS Ciyaartii labaad ayaa ka bilaabatey isla garoonka The Pavilion kadib markii ay soo dhamaatey ciyaartii hore, waxaana fooda isku darey labo kooxood oo ka dhisan galbeedka magaalada London, kuwasoo kale ahaa kooxda Xidigiaha midoobey ( United Stars) iyo Kooxda Horseed, labada kooxood ayaa soo bandhigey ciyaaro ka duwan ciyaarihii kale ee aan hore u soo daawanay, islamarkaana weerar iyo iska cabin aan kale joogsi lahayn midba midka kale ku soo qaadayay, dhalinyaradane waxaa moodaa kuwo is ciyaar yaqaanay oo kale feejin. Kooxda Horseed ayaa ka dhalisey goal kooxda United Stars ciyaarta qaybteedii hore, waxaana u saxiixey ciyaaryahanka lambarka 7aad u sitey lana yiraahdo Mohamed Ahmed, halka kooxda United Stars fursado badan oo ay heleen iska lumiyeen, qaybtii koowaadna waxay ku soo dhamaatey goal iyo waxbo. > Markii la isku soo laabtey oo koox walbo la tashiyo kale soo noqotey macalinkooda islamarkaana ay isku soo nasteen ayaa ciyaartii laga bilaabay halkii ay joogtey, waxayna heleen kooxda Horseed rigoore kadib markii daafaca kooxda United Stars ciyaaryahan ka mid ah u jilaafeeyay ciyaarayahan Horseed ah oo dhalin rabay goalkooda. Ciyaaryahan Mohamed Ahmed (7) ayaa rigoorihii loo dhigay kooxdiisa Horseed ayaa dabamariyay goalhayaha kooxda United Stars, ciyaartiina waxay noqotey in kooxda Horseed 2 goal kaga badiso kooxda United Stars ciyaartiina sidaasi ku dhamaato. Faysal oo ka tirsan maamulka kooxda Horseed ayaa ii sheegay in kooxdaan mudo dheer ay jirto islamarkaana dhalinyarada u ciyaaraysa qaarkood inay ku soo bilaabeen iyagoo aad u yar yar hadane ay fursad u helaan inay ka dheelaan koobkan Somaliweek, waan ku faraxsan nahay inaan badino ciyaarta ugu horeysay waayo waxay noo tahay fursad aan ugu sii dhawaanayno inaan wareega labaad u gudubno ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay. Kooxda Horseed waa dhalinyaro da’yar ah oo firfircooni badan ka muuqato mustaqbal wanaagsana leh, halka kooxda United Stars aad moodo inay isla hayeen galabta ku qadeeya da’yarta kooxda Horseed balse waxaa ka raacay galabta garoonka the Pavilion guuldaradii koowaad. Waxaa xusid mudan garsoorayaasha ciyaarahan qabanayay inay ahaayeen kuwo aad u feejigan oo si wanaagsan u garsoorey intii ciyaarood ay ka soo qabteen koobka Somaliweek, waxaana dhihi lahaa waa ‘’kuwo wax badan ka fiican kana go’aan qaadasho wanaagsan garsoorihii ciyaaraha aduunka finalka 2010 qabanayay ee la oran jirey referee Web Howard oo isna u dhashay dalka Britain’’ W/D: Yusuf Yusuf Sports writer & editor of SSPAMEDIA mrsomalia@hotmail.com London |