Furitaankii cayaarahan waxaa xiriirinayay Axmed Cali Yuusuf Dhabaryare,waxaana ka soo qeyb galay dadweyne aad u fara badan iyo marti sharaf si gaar ah loogu casuumay furitaanka ixtifaalka maalinta xoriyadda Soomaaliyeed iyo dalka Canada laguna soo beegay tartanka caan baxay ee Somali Week Soccer Toronto 2011-07-03
Dadkii magaca weyn ku laha isboorita Soomaaliyeed ee ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa rugcaddagii weynee ee kubadda cagta Soomaaliyeed Cabdullaahi Xasan Saalax (Macalin Tuke)Xiddigii kooxdii Horseed iyo xulka qaranka Soomaliyeed Ali Gurey,xiddigii kooxdii Jeenyo iyo Xulka qaranka Soomaliyeed Maxamed Xaaji Uurey,waxaa kaloo si gaar ah loogu marti qaaday furitaanka tartanka guddoomiye ku xigeenka XSKC Mudane Cabdirashid Xasan Hirsei Bakin
Sida xafladda tartanka u dhacday dhanka saxaafadda waxaa goob joog ka ahaa Somaliweek oo uu horkacayo Muxiyadiin Jaamac,waxaadna ka daawan kartaa boggan somaliweek.com