Tartankii Somali Week Toronto 2010 oo Furmay


TORONTO Magaalada Toronto oo sida caadada ah markii la gaaro bisha July ,waxaa ka bilowda tartankii caan baxay ee todobaadka Soomalida ( Somali Week Toronto 2010) waliba sida laga wada og yahay Toronto waa magaaladii ugu horeesay ee laga bilaabo tartanka Somali Week ,haddana si baahsan ugu fiday dalal badan oo jaaliyada Soomaliyeed ku nool yihiin sida Mareykana,Sweden & dalka UK oo sanadkii tagay 2009 ka bilowday
Wareysiga Guddoomiyaha Somali Week Muqtar Cutti








Hadaba cayaarahan waxaa soo abuubulay guddiga TODAY oo ah guddiga kaliya ee dhexda u xirtay qabashada cayaaraha Somali Week Toronto ,Sanadkan waxaa ka qeyb galaya 15 kooxood oo kala socda Canada,Mareykanka & UK

Waxaa tartanka si rasmi ah loo furay bishan July/01/2010 waxaa loogu sameeyay garoonka Esther Shine dhexdiisa xaflada furitaan oo dad badina ka soo qeyb galay ,waxaa ugu horeyntii hadal gaaban halkaas ka jeediyay maamulka guddiga TODAY oo u mahad celiyay dhammaan dadkii gacanta weyn ka geystay tartanka qabashadiisa iyo waliba ganacsada Soomaliyeed






Waxaan si rasmi ah xariga uga jaray tartanka garosoorihii caalamiga ahaa ee Soomaliyeed Mudana Mahamed Farah Dabdamis,wuxuu halkaas ka jeediyay hadal gaaban oo uu kala dardaarmay cayaartoyda iyo maamulka guddiga TODAY,una rajeeyay in si wanaagsan cayaarahaan ku soo dhammaadan





Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto