Tartankii Kubadda Koleyga Toronto 2010 oo Furmay

Abdi Depitate.Siciid Farah,Mohamed Farah & Ahmed Carab


TORONTO Waxaa magaalada Toronto dalkan Canada si rasmi ah looga furay tartankii kubadda koleyga ee in muddo ah laga soo shaqeynayay diyaarintiisa,iyadoo furitaankiisu ahaa mid taariikhi ah indhahana u furi doono haddii allah idmo dhammaan bahda kubadda koleyga Soomaliyeed ee qurba joogta marka laga fiiriyo waalidiinta iyo da’yarta sida weyn ee ay ugu riyaaqeen
DAAWO FURITAANKII TARTANKA


Guddoomiye Siciid Farah & Hadalkii Furitanka



Garsoore Mohamed Farah>




Ugu horeyntii waxaa xaflada furitaanka hadal gaaban ka jeediyay guddoomiyaha tartanka todobaadka Soomalida kubadda koleyga Toronto 2010 Mudane Siciid Faarax Ducaale ,wuxuu marka hore mahad balaaran u soo jeediyay dhammaan dadkii gacanta ka geystay in tartanka sidan quruxda badan ku bilowdo iyo sidoo kale wuxuu mahad u celiyay waalidiintii caruurta sida joogtada ah ula socday mar walba oo tababar qaadanayaan iyo sidoo kale ganacsatada iyo bahda isboorita reer Toronto ee dhaqaalaha ugu deeqay in tartanka uu noqday mid qabsooma,la’aantoodna aysan waxba u suurta galeen


Garsoore Mohamed Farah goolkii ugu horeeyay ku furay






Ka dib waxaa lagu sharfay in tartanka kubadda koleyga Toronto 2010 uu furo garsoorihii Soomaliyeed ee caalamiga ahaa Mudana Mohamed Farah Dabdamis,isagoo loo dhiibay kubadda ka dibna si qurux badan ugu tuuray shabaqa taas oo dadkii meesha joogay aad ugu sacab tumeen

Waxaa furitaankii tartankan ka soo qeyb galay marti sharaf badan uguna horeeyo rug caddaagii kubadda koleyga Soomaliyeed Macalin Ahmed Carab oo ka yimid gobalka Michigan ee dalka Mareykana

Hadaba waxay somaliweek.com idiin balan qadeysaa in si joogta idiin kula socodsiin doonto sida uu u socda tartanka haddii Allah idmo






Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto