TORONTO xalay oo bishu aheed August.28.2009,Waxaa si habsami leh u socday cayaarihii koobka bisha barakeysan ee Ramadan,waxaana wada cayaaray kooxaha Seif Fc iyo Iftin, iyo Albion iyo Toronto United
Wareysi Maqal & Muuqaal Mas'uuliyiinta Ka Tirsan Cayaaraha Toronto
Kooxda Seif Fc waxay 6:2 kaga badisay kooxda Iftin,cayaartaas oo aad u xiiso badneed kuna dhammaatay jawi qurux badan labada kooxoodna ay muujiyeen cayaar iyo asluub wanaag taas o dhammaadkii cayaarta aad ka garaneyso kooxda Iftin oo gacan qaaday kooxda Seif uguna hamblayeeysay guusha
Sidoo kale kooxda Toronto United ayaa si qurux badan uga badisay kooxda Albion,in kastoo kooxda Albion ku hormartay goolasha haddana waxaa kubad farsameysan la soo baxay kooxda Toronto United oo si xarago leh uga badisay kooxda Albion
Kooxda SEIF FC
Waxaa kaloo idiin soo gudbin doonaa haddii Alla idmo wareysiyo xiiso badan oo aan ka qaadnay qaarka tirsan guddiga qaban qaabinaya cayaaraha bisha barakaysan ee Ramadan iyo cayaartoy ka tirsan kooxda Seif FC