Somali Week Toronto 2011 oo ku soo dhammaaday GUUL
TORONTO Waxaa bishan July.12.2011.lagu soo gabagabeeyay magaalada Toronto tartankii caan baxay ee Todobaadka Soomaalida (Somali Week Toronto 2011)kaa soo ay soo qaban qaabiyeen urur weynaha isboortiga ee ka dhisan magaaladan Toronto SOSCA,tartankan wuuxuu soo bilowday bishan July.01.2011 xirmayna July.12.2011
Cayaartii kama dambeysta waxaa isugu soo baxay kooxaha Manitoba iyo Kitchener,waxaana cayaartaasi ka dhacday garoonka weyn ee Centenial Park ee ku yaal galbeedka magaalada magaalada Toronto,xiligii loogu talagalay waxay ku soo dhammaatay 0:0,waxaana loo dhigay rigoorayaal,waxaana ku guuleystay horyaalka Somali Week Toronto 2011 kooxda Kitchener,waxaana guddoonsiiyay koobka Macalin Tuke
Madaxdii ka soo qeyb gashay tartankaasi waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka XSKC Mudane Cabdirashid Bakin,Xoghayaha guud XSKK Mudane Siciid Faarax,Mahad Cali Yuuusuf oo ka mid ah madaxda ururada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan mgaaalada Toronto