Shirweyne Jaaliyada Puntland oo Lagu Qabtay London UK

Daawasho Wacan Part One
PART TWO
PART THREE
LONDON Waxaa maalintii Sabtida oo ay taariikhdu aheyd 15ki May lagu qabtay magaalada London, gaar ahaan xaafadda Camden shir weyn oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Puntland Sports, Culture and Education Development (PSCED) loogana hadlayey sidi loo hormarin lahaa Ciyaaraha Puntland. Shirkaas waxaa kasoo qeyb galay dadweyne aad iyo aad u fara baddan oo ka kala yimid dhammaan magaalooyinka kala duwan ee Ingiriiska iyo weliba xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada London.




Shirkaas waxaa lagu furay sidii caadada u ahaan jirtay ummadda Muslinka aayadaha Quraanka, kadibna waxaa loo guda galay Qudbadihii iyo warbixinadii loogu tala galay in halkaas lagu soo bandhigo, iyadoo ay halkaasi ka hadleen mas’uuliyiinta Ururka gaar ahaan gudoomiye Bashiir Gurey oo soo dhaweyn iyo mahadcelinba halkaas kasoo jeediyey tusaaleeyayna dadka lagama maarmaanimada in la hormariyo isboortiga Soomaaliya gaar ahaan kan Puntland iyo Xoghayaha ururka Axmed Cabdalla Tigaana oo isagu dhawaan ka yimid dalki warbixino qayim ahna halkaas ku soo bandhigay. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay martisharaf kale oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Puntland ee Uk Prof. Cabdulqaadir Jibriil, Gudoomiyaha Puntland Diaspara ee Uk Cabdwali, gudoomiye kuxigeenka Olambikada Soomaaliyeed Duraan Faarax, Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland ee Uk Zakariya Maxamed. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay dad aad u fara baddan oo aan halkan lagu soo koobi Karin oo aynu ka xusi karno Dr Cunaaye,Maxamed Ciise Digeeye iyo Cabdulqaadir Khaliif Biina.
Dadweynihii halkaas isugu yimid oo aad ugu riyaaqay qaabka iyo habkii loo soo qaban qaabiyay xafladdaas ayaa ballan qaaday in ay hay’adda la garab taagan yihiin wax all iyo wixii karaankooda ah.




Waxaa mahad gaar ah iska leh jaaliyadda Puntland ee Camden oo iyagu si hagar la’aan ah xafladaas u soo qaban qaabiyey gaar ahaan Cabdiwali Siciid iyo Daa’uud, waxaa kaloo mahad taas la mid ah iska leh bahda ETN ee talkeefishanka oo iyagu si wanaagsan xafladaas uga dhex muuqday. Waxaa iyaguna halkaas si wanaagsan uga dhex muuqday xubnaha ururka ee kasoo baqoolay Leicester oo uu hogaaminayey Gudoomiye kuxigeenka ururka Liibaan Xirsi
Xafladaas waxaa xiriirinayey Cabdixakiim jaamac Jooje oo isagu ah Coordinatorka ururka.Faahfaahin dheeraad ah la xiriira maamulka ururka PSCED
Ibrahim Faandhe
somaliweek
Leicester
|