WAREYSIGA XIDDIGTII KUBADDA KOLEYGA SUCAAD C/LAAHI GALOW


TORONTO Waxaa todobaadkan Somaliweek wareysi dheer siiyay Sucaad Cabdullaahi Galow oo ka mid ahaan jirtay gabadhihii xiddigaha kubadda koleyga kooxdii Horseed iyo xulka qaranka Soomaaliya,Sucaad waxay ku degan tahay magaalada Fairfax ee gobalka Virginia ee dalka Mareykanka

Sucaad waxay aad u soo dhaweysay guushii taariikhiga ahayd oo ay ka gaareen gabdhaha xulka qaranka kubadda koleyga Soomaaliya cayaarihii tartanka jaamacadda carabta ee ka dhacay magaalada Doha ee dalka Qatar,guushaas oo si gaar ah dareen weyn u galisay Sucaad maadaama ay ka mid ahaan jirtay gabadhii xulka qaranka Soomaaliya xilligii barisamaadka


Sucaad Cabdullaahi Galow waxay marka hore si guud uga warantay taariikheedii kubadda koleyga gaar ahaan kooxdeedii horseed iyo xulka qaranka Soomaaliya,Sucaad waxay kaloo xustay gabadhihii Soomaaliyeed ee la qeyb saday waqtiyo badan oo farxad iyo rayn rayn leh taasoo hadda ay dib u soo celiyeen gabadha xulka qaranka kubadda koleyga oo si xarago leh uga badiyay dalalka Qatar iyo Kuwait iyadoo ay hogaamineysay xiddigtii qaranka Mulki Nuur Muudey

Sucaad ugu dambeyn waxay mahad iyo ammaam balaaran u soo jeedisay XSKK ,gabadhihii matalayay xulka qaranka,waalidiintoda iyo dhammaan intii gacanta weyn ka gaysatay sida guusha leh ee uu tartankaas jaamacadda carabta ku soo dhammaaday

Muxyadiin Jaamac
Somaliweek
Toronto