Xafladii Qorituurka tartankii koobka Leicester Super Cup 2011

Wareysiga Maamulaha Leicester United Cumar Xasan (Cumar Dheere)

TORONTO Waxaa magalada Leicester oo kutala Bartamaha Wadanka Ingriska lagusoogaba gabeeyey Qorituurkii Kobka Super-Cupka oo sanad walba laguqabto bisha April ama xiliga easterka Magalada Leicester. Koob kan oo ku canbaxay in ay ku loolaman Kooxaha haysta Koobabka horyaalada cayaaraha Soomaalida ee xiliyada Kuyleylaha ee ay Soomaalidu Kuqabtaan Europe iyo North-amerika iyo Canada.




Koobkaan waxaa sand walba Sooqaban qaabiya ururweynaha Leicester United Sports and Culture oo asagu Si weyn Loogayaqano Fagarayaasha Sportiga Qurba joogta Soomaaliyeed. Xaflada qorituurka Superkabka Waxay sanadkaan ay ugaduwanayd sanadyadiihore waxyaabo badan oo ay ka midka yihiin iyada oo lagusoobandhigay hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo iyada oo ay maamullka Superkabka kadhexmuuqden xubno cusub oo katirsan Mamulka ururweynaha LUSC kuwas oo kala ahaa Mudane;G/kuxigen; Abdinasir Cubed Diriye LUSC iyo Mudane; Xiriiriyaha LUSC; Mohamed Said Faysal


Gudomiyaha qabanqabada Supe-cupka 2011 Mudane Cabdulahi Farax Siyaad(Shiine) ayaa ugu horeen furay xafladii Qorituurka Super-Cupka waxana uu umahad celiyey dhamaan masuuliyiintii kakala socotay hay adaha dowlada ee magalada Leicester iyo xubno sharafeedkii kale ee kasooqabgalay oo ay kamid ahaayeen masuliyiin Soomaaliya Kasooqabtay Xilal kaladuwan Sida Wasiiiro, Safiiro Saraakiil katirsan Ciidamadii Qalabka siday ee Soomaaliya. Waxaa kale oo xaflada siween uga sooqaybgalay dhaman bahweenta Sportiga ee UK iyo dadweene badan oo kakala Socday dhaman gobalada UK. Waxaa siween iyana usoobuuxdhaafiyey hoolka xafladu kasocotay dad weynaha Reer Leicester oo iyagu muujiy kaqaybgalkooda qorituurka Supe-Cupka 2011.

Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto