![]() ![]()
|
![]() Wareysiga Maamulka & Cayaartoyda Kooxda Somali Tigers MN USATORONTO Waxaa magaalada Toronto si habsami leh uga socda tartankii Somali Week Toronto 2010,waxaana si nadaamsan cayaarahan u maamulaya guddiga TODAY Kooxaha tartankan ka qeyb galaya waxaa ka mid ah kooxda Somali Tigers oo haysata horyaalka Somali Week 2008 & 2009 ee magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota dalka Mareykana,haddana cayaaraha Toronto waxay ka muujiyeen cayaar wanaag taas dhalisay in ay soo jiitaan taageerayaal badanoo ka mid ah dadweynihii u soo daawashada tagay cayaarta ![]() Kooxa Somali Tigers ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Waxaa Somaliweek u suurta gashay in wareysi ay la yeelato maamulka iyo qaarka tirsan cayaartoyda kooxda Somali Tigers,waxayna ugu horeyntii mahad balaaran u celiyeen guddoomiyaha kooxda Abdicasiis Ali Biixi,Marshaale iyo Ammaan oo ahaa dadkii gacanta weyn ka geystay dhismaha kooxdan gaar ahaan guddoomiyaha Mr.Biixi oo aan soo raacin kooxda howlo uu ka fursan waayay awgood Waxay kaloo kooxda mahad u celiyeen guddiga TODAY gaar ahaan Abdirisaq Cadde oo si gaar ah marti qaad ugu diray kooxda Somali Tigers maadama aysan kooxdan wali iman magaalada Toronto ![]() ![]() ![]() Guddoomiye Muqtar Cutti oo TV-ga Universal wareysi siinaya ![]() ![]() Kooxda Somali Tigers ![]() ![]() Kooxda Somali Tigers Guud ahaan kooxdan waxaa ka muuqday isku xirnaan,maamul wanaag iyo hab cayaareedkooda oo reer Toronto aad ula dhaceen Hadaba maamuka idaacada Somaliweek haddii aan nahay waxaan isku dayi doonaa haddii Allah idmo in aan xiriir la sameyno guddoomiyaha kooxda Somali Tigers Abdicasis Biixi oo aan si guud uga wareysano kooxdan Somali Tigers Mohyadin Jama somaliweek Toronto |