Cayaarta Finalka Dixon Fc & Toronto United

GAME TIME: 5.00 PM


TORONTO Waxaa habeenimada Talaadada oo taariikhdu tahay Dec.29.2009,fooda is daridoon haddii alla idmo labada kooxood Toronto United iyo Dixon Fc ee isugu soo baxay cayaarta Final ee tartanka sanadka cusub ee Islam 1431 ee xiligan qaboobaha guddiga TODAY u dhigay afar kooxood oo ka dhisan magaalada Toronto


Kooxda Dixon Fc

Kooxda Toronto United

Hadaba waxaa tartanka cayaartii ugu dambeysay isku haleelay kooxaha Albion iyo Dixon Fc ,labada kooxood oo hore isku soo arkay balse waqti oo aad ciriiri u ahaa aysan suurta galin in cayaartaas soo dhammaato maadaama lagu joojiyay iyadoo labada kooxood aan wax goolal ah kala dhalin,ayna soo bandhigeen cayaar aad loo jecleystay,Markii ay dib isku arkeen Albion iyo Dixon Fc,waxay labada kooxood muujiyeen cayaar wanaag,ayna aad isugu dhaweed awooda ,balse waxaa 2:1 ku soo baxay kooxda Dixon Fc

Cayaarta Finalka inta aan la bilaabin waxaa dhici doonta haddii alla idmo,cayaar dhex mari doonta laba kooxood oo odayaal si gaar ah loo soo xulay ah ,laguna sugi doono cayaarta Final ee Dixion Fc iyo Toronto United

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto