Tartankii Koobka Sanadka Cusub ee Islam oo Dhammaaday


Dhageyso Hambalyada Guddiga TODAY

TORONTO Waxaa si qurux badan ku soo dhammaaday habeenimadii Arbacada December.29.2009, cayaaraha sanadka cusub ee Islam 1431 ee xiliga qaboobaha ee lagu qabtay garoonka Soccer Center magaalada Toronto,oo ay soo qaban qaabiyeen guddiga TODAY oo ku caan baxay qurxinta iyo maamul wanaaga kulamada isboortiga oo uu ugu horeeyo tartanka xiliga xagaaga la qabto Cayaaraha todobaadka Somalida (Somali Week Toronto)

Cadde & Abdi Adan

Ali Gurey oo Toronto United Gudoonsiyay koobka


Kooxda Dixon Fc

Abdi Adan oo abaalmarinta bixinaya

Abdirashid Bakin oo abaalmarinta bixinaya

Macalin Abdi Dheere oo abaalmarinta bixinaya


Bashi Ali Bashi oo Mohamed Munye guddonsinaya difaacii ugu fiicnaa

Cayaarta Finalka oo dhexmartay labada kooxood Dixon Fc iyo Toronto Unted,ayna garab socotay cayaar lagu tartan siinayay odayaasha isboortiga magaalada Toronto kuwooda looga bartay ku dhiiri galinta dhalinyarad Somaliyeed in ay ku barbaaraan isboortiga

Guud ahaan jawiga garoonka wuxuu ahaa mid si buuxda ay u soo camireen bahda isboortiga magaalada Toronto iyo waliba qaarka tirsan waalidiinta oo aad ugu farxay sida ku dayashada mudan ee guddiga TODAY u soo agaasimay tartanka oo ku soo beegmay xili fasax laga yahay dugsiyada iyo shaqooyinka

Bashi Ali Bashi

Macalin Bruno & Macalin Abdi Dheere

Busuri & Sh Salah

Abdi Adan-A/rahman Tacban & Sh.Mohamud

Bashi Ali-Abdi Adan-Oday Mursal & Oday Jr

Abdishakur Caadey & Abdi Adan

Odayasha Isboortiga Toronto

Maamulka guddiga TODAY waxay si gaar ah ugu martqaadeen tartanka qiimaha badan,qaarka tirsanaan jiray cayaartoydii hore ee naadiyada heerka kowaad ee Soomaliya,waxaana ka mid ah marti sharafta

1.Ali Mohamud Isse (Ali Gurey)
2.Abdi Mohamed Ciye (Abdi Dheere)
3.Osman Abanur (Bruno)
4.Sh Ahmed Nuur Qalaafe
5.Cumar Ganjab
6.Bashi Ali Baashi
7.Sh Salah
8.Abdirashid Hassan Hirsi (Bakin



Burhan Jr-Ganey Jr & Cadare Jr-Mustaqbalka IFTIN

Abdinasir Al-Gore


Odayaasha Isboortiga Toronto

Haddi aan u soo noqono Cayaartii dhexmartay Odayaasha oo ay kala wateen Burhan Yare oo ka tirsanaan jiray xiddigii ku cad cadaa ee soo mara kooxda IFTIN,ahna milkiilaha BEST CARE REHAB oo hantidiisa u hura sidii tartanada isboortiga ee lagu qabto magaalada Toronto loo joogteen lahaa ,iyo Ali Baba oo ahaa difaacii darbiga u ahaa kooxda IFTIN,ahaana macalinkii kooxda IFTIN sanadkan 2009,iyo Abdirisaq Cadare oo ka mid ah maamulka sare ee kooxda IFTIN,isla markaana ah milkiilaha NATION CARE REHAB oo asna si hagarla’aan dhaqaale ula garab taagan cayaaraha .Waxayna cayaarta labadan kooxood ku soo dhammaatay XIDDIGAHA 1:SOMALIWEEK 1

Cayaartii sida gaar ah loo sugayay ee Finalka oo dhexmartay kooxaha Dixon Fc iyo Toronto United ayaa bilaabay 6.45 daqiiqo,waxayna lababadan kooxood oo hore isku arkay,ayaa waxay durba bilaabeen weerar iyo weerar celis isdaba joog ah,koox kastana ku dadaaleysay in ay ku hormarto goolasha ,ayaa waxaa nasiibkaas helay kooxda Dixon Fc ,qeybtii horena lagu kala nastay 1:0

Cayaarta qeybteedii dambe oo ay ka harsan tahay 10 daqiiqo ayaa waxaa loo dhigay rigoore kooxda Toronto United ,waxayna ka faa’iideysteen fursadaas oo ay ku dhaliyeen goolkii bar bar dhaca,waxayna waqtigii caadiga ahaa ku soo dhammaatay bar bar dhac,waxaana si toos ah loo aaday rigoorayaal ,waxaa guushii ku raacday kooxda Toronto United

Waxaa halkaas lagu bixiyay koobabkii iyo abaalmarintii oo uu suurta galiyay Abdulkadir Halane guddoomiyaha kooxda ALBION isla markaana ah milkiilaha ALBION REHAB,koobkii kaalinta koowaad waxaa bixiyay Ali Mohmud Ise (Ali Gurey),koobkii kaalinta labaadna waxaa bixiyay Abdi Mohamed Ciye (Abdi Dheere),


Sadaq-Abdirisaq Cadare & Yasin


Cumar Ganjab oo abaalmarinta bixinaya


Macalin Bruno oo abaalmarinta bixinaya

Sh.Qalaafe oo Kamal Kusow guddoonsinaya cayaaryahanka ugu fiicnaa


Mohamed Ganey & Abdirisaq Cadare-IFTIN Management

Abdulkadir Joof & Sh.Mohamud

Abdirashid Bakin

Ali Gurey

Cumar Ganjab & Sh. Qalaafe


Abdirisaq Cadde

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto