![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Taariikhda & Taageerada Xoghayaha XSKK Siciid FaaraxTORONTO Waxaa magaalada Toronto ee dalka Canada,lagu qabtay xaflad casho sharaf oo lagu soo dhaweenayay magacaabista xoghayaha guud ee XSKK,Siciid Faarax Ducaale,waxaana ka soo qeyb galay bahda isboortiga magaalada Toronto oo uu hogaaminayay rugcaddaagii weynee aa kubadda koleyga Soomaaliyeed Cabdi Dheere Waxaa kaloo cashadaas ka soo qeyb galay gabdhihii hore ee kubadda koleyga Soomaaliyeed,waxaa kaloo dhinaca kubadda cagta magacooda ku yimid cashada laacibkii kooxdii jeenyo & xulka qaranka Soomaliyeed,Maxamed Xaaji Ureey,dhammaan marti sharafkii cashada ka soo qeyb gashay waxay wacad ku mareen in hiil & hooba la garab taagin yihiin xoghayaha guud ee XSKK,Siciid Faarax Ducaale,waxaana taariikhda Xoghaye Siciid Faarax goobta ka soo jeediyay Cabdifataax Marayare Casho Sharaftaas waxaa qaban qaabadeeda iska lahaa Axmed Cali Yuusuf "Dhabaryare" & Cabdirisaaq Marayare "Dhuux" ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Muxiyadin Jamac Somaliweek Toronto |