TORONTO Waxaa Somaliweek fursad weyn u heshay in xog-wareysi maqal iyo muuqaal ah la yeelato Saciida Abuukar Wariiri,oo ah gabadhii ugu horeysay taariikhda kubadda koleyga Soomaaliya ee ciyaarta kubadda koleyga,iyadoo ka soo bilowday cayaarihii dugsiyada,xaafadaha,ka dibna ku biirtay naadigii Dowladda Hoose Muqdisho isla markiibana loo doortay xulka qaranka Soomaaliya
Saciida Wariiri waxay degan tahay magaalada Toronto dalka Canada,waxay in muddo ah ka maqneed kulamada bahda isboortiga iyo waliba saxaafadda oo ay aad isaga fogeyn jirtay,intaas oo dhan ka dib Saciida Wariiri waxay sanadkii tagay 2010 iyo sanad kan 2011 dib ugu soo noqotay ka qeyb galka kulamada isboortiga iyo ka tala bixinta sidii horumarka kubadda koleyga hore loogu sii wado
Hadaba wali ma isweydiisay maxaa keenay muddo dheer ka dib in gabadhan magaca weyn ku leh isboorita Soomaaliya dib ugu soo noqoto isboortigii ay ku soo barbaartay? Jawaabta waxay ka timid Saciida Wariiri mar ay u warantay Somaliweek,iyadoo sheegtay markaan arkay midnimada bahda isboortiga magaalada Toronto iyo kulankii taariikhiga ahaa ee Somali Week Basketball Toronto 2011 sida kuu ku bilowday iyo sidii quruxda badneed ee uu ku soo dhammaaaday
Saciida Wariiri markii ay ka fariisatay cayaaraha waxaa soo baxay gabdho badan oo magac weyn ku leh isboortiga sida Mulki Nuur Muudey,Sucaad,Xabiibo Qaran iyo kuwo kale oo aan kala dhicin,halkana aan ku soo koobi karin magacooda