![]() ![]()
|
|
Halkan Ka Daawo Wareysiyada Muuqaal ka Ah somaliweek Furitaankii Cayaaraha Qaboobaha Toronto By Mohyadin Jama @ somaliweek TORONTOWaxaa ka bilowday cayaarihii koobka munaasabada curashada sanadka cusub ee islaamka 1431 ee xiliga qaboobaha,garoonka dedan ee Soccer Center kuna yaal magaalda Toronto dalka Canada,koobkaas oo uu soo qaban qaabiyay guddiga TODAY Cayaartaas oo dhex mareysay kooxaha Somali Stars Vs Toronto United,Dixon Fc Vs Albion,waxaa furitaanka goob joog ka ahaa marti sharaf lagu casuumay cayaarta oo ay ka mid ahayeen qaarkood cayaartoydii cuslaatay ee kubadda cagta iyo koleyga ,waxaana ka mid ahaa Cuma Ganjab,Macali Bruno,Sh Ahmed Nur Qalaafe iyo Sh Salax,waxaana tartanka maamulkiisa hogaanka u haya dadka kala ah Abdi Adan Jabril,Abdirisaq Cadde,Hassan Dahir,Sh.Mohamud iyo Liban Sharif ![]() Xubno ka tirsan guddiga TODAY & marti sharaf kale ![]() Cumar Ganjab oo furay cayaarta ![]() labada Captian ee Somali Stars & Toronto United ![]() Kooxda Albion ![]() Abdi Adan,Codka,Liban Sharif & Abdisamad Hadaba cayaartii kowaad waxay dhex martay kooxaha Somali Stars iyo Toronto United ,waxaa labada kooxood kala watay dhalinyaro si weyn loogu qadariyo cayaarta kubadda cagta magaalada Toronto ,cayaartaas waxay waqtigii loogu talagalay ku soo dhammaatay 2:2 ,waxaana leysla aaday rigoorayaal,waxana ku soo baxay finalka kooxda Toronto Unted oo 3:2 kaga badisay kooxda Somali Stars ![]() Kooxda Dixon Fc ![]() Cumar Ganjab ![]() Abdi Adan,Hassan Olow & Sh Mohamud ![]() Sh Mohamud,Hassan Olow & Liban Sharif ![]() Cumar Ganjab,Hassan Dahir & Liban Sharif Cayaartii labaad oo aad loo sugayay ayna fooda isdareen kooxda Dixon Fc iyo kooxda Albion ,labadan kooxood waxay ka mid yihiin kooxaha sida gaar ka ah farsamadooda iyo hab maamulkooda aad u sareyo ,ayna tahay markii ugu horeysay oo ay fooda is daraan,cayaartan oo bilaabay xili dambe ,ayaa qeybti hor ku soo dhammaatay 0:0 .markii ay bilaabatay qeybtii labaad ayaa waxaa suurta galiweysay in cayaartaas sii socota waqti oo aad ciriiri u ahaa ,halkaas lagu joojiyay,balse guddiga TODAY ayaa waxay qorsheynayaan in si deg deg ah labada kooxood leysugu celin doono haddii alla idmo ![]() Kooxda Somali Stars ![]() Sh Mohamud,Hassan Olow & Mohamed ![]() Cumar Ganjab & Hassan Dahir ![]() Sh Salah,Macalin Bruno & Sh Ahmednur Qalaafe ![]() ![]() Liban Sharif,Cumar Ganjab & Sh Ahmednur Qalaafe ![]() Sh Ahmednur Qalaafe oo bilowgii cayaarta la dardaarmay kooxaha ![]() Macalin Bruno & Sh Ahmednur Qalaafe ![]() Liban,Abdi Adan & Mohamed Ganey ![]() Toronto United Mohyadin Jama somaliweek Toronto |