Muqtar Baydhabo & African Premier Winter League in Minneapolis

Shaqsi ku Dayasho Mudan

Dhageyso Wareysiga Muqtar Baydhabo,Macalin Xarbi & Ahmed Abdi Badmaceeye

TORONTO Waxaa si rasmi ah uga bilowday bishan Jan.08.2010, garoonka kubadda cagta ee ku yaal Concordia University ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ,tartankii African Premier Winter League oo ka qeyb galayeen 12 kooxood oo laba ka mid ah ajnabi yihiin,waxaana tartankaas qaban qaabadiisa hogaaminayay Muqtar Abdi Ismacil Baydhabo, oo ah nin dhalinyaro oo si gaar ah isugu xilqaamay abaabulka,ururinta,iyo u jiheynta dhalinyarada Soomaliyeed ee ku dhaqanka gobalka Minnisote ee dalka Mareykanka dhanka isboortiga,kaa soo ka weeci in ay waqtigooda galiyeen meelo aan fiicneyn










Badmaceeye & Kooxdiisa tartan hore ku guuleystay

Ahmed Abdi Badmaceeye

Haddaba waxaad ka garaneyso xiliga la qabanoyo y tartankan oo ah mid qabow aad u darani uu ka jiro magaalada Minneapolis uuna gaaro in ka hooseysa darajada 30 halka biyahu ku barafobaan

Waxaa somaliweek u suurta wareysi siiyay Madaxa guddiga qaban qaabada Muqtar Abdi Ismacil Baydhabo iyo Macalinka Kooxda Somali Tigers Xarbi iyo Ahmed Abdi Jama Badmaceeye oo ku taageero buuxda siinaya tartanka African Premier Winter League

Mohyadin Jama
somaliweek
Toronto