![]() ![]()
|
![]() Mudane Abdixakim Ahmed Guled Wareysiga Wasiirka Warfaafinta Dowlada Puntland Mudane Abdixakim Ahmed GuledTORONTO Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta Hidaha iyo Dhaqanka ee Dowladda Puntland, Soomaaliya Cabdixakiim Axmed Guuleed oo safar shaqo ku jooga Waqooyiga Ameerika ayaa u soo gudbay waddanka Canada si uu ula kulmo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan gaar ahaan; Jaaliyadda balaaran ee reer Puntland. Wasiirka ayaa booqasho ku kala bixiyey magaalooyinka Ottawa iyo Toronto. Wasiirka ayaa booqashadiisii Ottawa kula kulmay Jaaliyadda reer Puntland ugana war bixiyey xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland. Sidoo kale, Wasiirka ayaa la kulmay madax ka tirsan dowladda Canada ugana war bixiyey xaaladdaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ee Puntland. ![]() ![]() Guddoomiyaha Jaaliyada Qurba Joogta Puntland Abdullahi Isse ![]() Aqoonyahan Siciid Yusuf Diiriye ![]() Mohamed Cumar Dhigic Dhigic-Wasiirkii hore Ganacsiga ![]() Madaxa Isboortiga Jaaliyada Qurba Joogta Puntland Hassan Bingo Habeenkii Sabtida ee bishu ahayd June 19, 2010, ayaa hoolka shirarka ee Hoteelka Days Inn / Ramada oo ku yaal galbeedka Magaalada Toronto waxaa soo buux dhaafiyey boqolaal Soomaliyeed oo isugu jira dhalinyaro, rag iyo haweenba si ay uga qeyb galaan xafladdan soo dhoweynta ahayd, una dhegeystaan khudbadda Wasiirka. Wasiir Abdihakim Ahmed Guuleed ayaa xafladdan ku soo bandhigay cajlad maqal iyo muuqaal kana tarjumeysay heerka nolosha, dhaqanka, suugaanta, ganacsiga, aqoonta iyo arrimaha bulshada ee Puntland. Daawashadii cajladda kadib, ayaa sidoo kale waxaa halkaas lagu soo bandhigay soo dhoweyn isugu jirtay , heeso waddani ah, buraanbur, talooyin iyo amaan oo ay soo jeediyeen xubnihii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee shirka ka soo qeyb galay. ![]() ![]() ![]() Fanaanadii Weyneed Khadija Abdullahi Daleys ![]() ![]() ![]() Wasiir Abdihakim, ayaa khudbadiisa si buuxda ugu cabiray heerka wanaagsan ee ay ku tilaabsadeen kaabiyaasha nolosha ee dadka reer Puntland. Wasiirku wuxuu ka hadlay waxqabadkii dowladiisa, qorshaheeda dhow iyo kan dheerba. Wasiirka oo sii wata hadalkiisa ayaa sheegay horumarkii ay dowladiisu gaartay mudadii koobnayd ee ay talada haysay iyo in wax badan u dhiman yihiin. Sidoo kale Wasiirka ayaa ugu baaqay, Jaaliyadda reer Puntland in ay si wadajir ah uga qeyb qaataan dhismaha dalka, taageerna mashaariicda khuseeya horumarinta arrimaha bulshada. Wasiirka oo ka hadlayey arrimmaha amniga ayaa Jaaliyadda u sheegay in xallinta colaadaha xil ka saran yahay Dowladda, isla markaasna aysan Dowladdu aqbalayn is bar bar yaac. Wasiirka ay si gaar ah ula kulmay, Xubnaha Jaaliyadda Dibedda ee reer Puntland (PDF), Xubno ka soo jeeda Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Puntland ![]() ![]() ![]() ![]() Madaxa Raadiyaha & TV-ga Codka Beesha Mohamed Dahir Hassan ![]() Wasiirka ayaa ku gubaabiyey in la taageero qorshayaasha Dowladdu wado ee ku aadan arrimaha nabadgelyada iyo dib u soo celinta degaamada Puntland ka maqan oo ah dastuuri waajib ah oo saran madaxda iyo shacabka Puntland si wadajir ah, Isla markaasna la joojiyo howl galada iyo abaabulada aan lagala tashan dowladda Puntland iyo hadalada aan waxtarka lahayn ee idaacadaha looga hadlayo, Wasiirka ayaa ku soo geba gebeeyey hadaladiisii in midnimo iyo wadajirna lagu soo dabaalo xallinta dhibaatooyinka jira. ![]() ![]() ![]() Wasiirka Warfaafinta Puntland Abdixakim Guled ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() ![]() Mohyadin Jama somaliweek Toronto |