Garsoore Xasan Wiish oo dhex dhexaadiyay horyaalada B/Bartamaha Afrika


TORONTO Waxaa magaalada Dar es Salaam ee caasimada dalka Tansaania ka dhacay bishii June/25.2011,tartankii kubadda cagta horyaalada bariga iyo bartamaha Afrika
garsoorayaashii dhex dhexaadinayay cayaarahaasi ayaa waxaa ka mid ah ahaa wiil dhainyaro ah oo Soomaaliyeed kana tirsan garsoorayaasha ka diinwaan gashan xiriirka kubadda cagta adduunka FIFA,oo la yiraahdo Xasan Aadan Xaaji Yabaraow (Xasan Wiish),wuxuuna garsooray cayaartii furitaanka,wareega labaad iyo cayaartii ugu dambeysay Final ka

Garsoore Xasan Wiish wuxuu degan yahay magaalada Kolding ee dalka Denmark,wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa garsoorayaashii dhex dhexaadiyay tartankii taariikhiga ahaa ee cayaaraha gobalada dalka Soomaaliya ee ka dhacay sanadkii 2010 magaalada Garoowe xarunta Puntland Soomaaliya

Garsoore Xasan Wiish wuxuu ka soo jeedaa qoys isboorti waliba dhinaca garsoorka,waxaa dhalay Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ah guddoomiyaha GOS,horeyna u soo noqday guddoomiyaha XSKK,Xoghayaha guud XSKK iyo garsoore kubadda koleyga

Waxaa Somaliweek u suurta gashay in wareysi dheer la yeelato garsoore Xasan Wiish kaa soo taabanaya dhinacyo badan,waxaana wareysigaasi ka dhageysan kartaa boggan somaliweek,waxaa wareysiga qaaday tafaftiraha idaacadda Somaliweek Muxyadiin Jaamac







Muxiyadin Jamac
Somaliweek
Toronto