Soo Dhaweynta & Ambabixinta Guddoomiyha IFTIN
PART ONE
PART TWO Wareysiga Bashir Xiis Khalif
TORONTO Habeenimadii Axada oo taariikhdu ku beegneed Jan.31.2010,ayaa waxaa lagu qabtay garoonka dedan ee loo yaqaan hanger-ka kuna yaal magaalada Toronto ee dalka Canada ,tartartan cayaar kubadda cagta ah oo lagu maamusay in lagu soo dhaweeyo laguna sogootiyo Bashir Xiis Khalif oo ah guddoomiyaha kubadda cagta kooxda IFTIN oo saa gaaray magaalada Toronto,dhawaana dib ugu noqonaya magaalada Edmonton ee gobalka Alberta

Guddigii Agaasimay Ambabixinta Guddoomiye Xiis


Muqtar Cutti & Guddoomiye Bashir Xiis

Cadare,Muqtar Cutti & Bashir Xiis


Bashir Xiis & abdi Adan

A/nasir Al-Gore,Xiis,Abdi Dheere,Farah Oday & Diiriye


Abdi Dheere & Bashir Xiis


Abdi Depitate,Bashir Xiis & Mohamed Ganey
Tartankaas oo waxaa si gaar ah isugu xilqaamay suurtana galiyay qabashadiisa qaar ka tirsan dhalinyarada isboortiga ee degan magaalada Toronto oo ay ka mid yihiin ,Abdinasir Al-Gore,Abdirisaq Cadare iyo Burhan yare
Waxaa halkaasi ka dhacday cayaar xiiso badan oo ay fooda is dareen laba kooxood oo xul ah ayna isugu jireen cayaartoydii lagu bilaabay cayaaraha Somali Week Toronto iyo qaar ka tirsanaan jiray cayaaroydii hore ee naadiyada heerka koowaad Somaliya ,waxaana garsoore ka ahaa Farah Jama Nuur ( Farah Oday) oo ka tirsanaan jiray cayaaroydii hore ee kubadda koleyga

Bashir Xiis & Bashi Ali

Canter Jeenyo & Abdi Dheere





Abdirisaq Cadde,Bashir Xiiw & Burhan Yare



Liban Sharif,Bashir Xiis & Sh Mohamud
Cayaarta ka dib ,waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha kooxda IFTIN Bashir Xiis Khalif oo uga mahad celiyay dadkii soo abaabulay tartanka oo ahaa mid qiimo badan,waxaa kaloo hadalkii qaadatay Abdi Dheere oo runtii xusay wax qabadka iyo isboorti jecelka guddoomiyaha IFTIN Bashir Xiis Khalif,Abdi Dheere oo ka faa’iideysanayay fursadaas wuxuu kula dardaarmay in cayaaraha Somali Week Toronto laga shaqeeyo sidii meel loogu wada qaban lahaa ayna marna dhicin in qeyb sanaan hore u jiray jirtay dib loo soo celin,
Waxaa runtii in muddo ah cayaaraha Somali Week Toronto soo qaban qaabin jiray haddana wada qaban qaabadeeda sanadkan 2010 Guddiga TODAY, magaaldan Toronto urur kale oo hadda ka dhisan laguna og yahay qaban qaabo cayaareed sida Somali Week Toronto ma jiro,taas oo heshiis loo dhan yahay laga gaaray sanadkii hore 2009 ,oo aan idin kugu soo gudbinayay Somaliweek sidii heshiis u dhacay iyo waxa lagu heshiiyay,










Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay Cantar Jeenyo,Muqtar Cutti,Abdi Depitati,Farah Oday,Bashi Ali,Faris, iyo Oday Mursal







Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto
|