![]() ![]()
|
![]() Dhageyso Wareysiga Ahmed DahirTORONTO Waxaa Somaliweek xog-wareysi aad u balaaran siiyay Ahmed Dahir Ahmed oo ka mid ah macalimiinta xulka qaranka Soomaliyeed ee kubadda koleyga,kana mid ahaan jiray cayaartoydii hore ee kooxdii Horseed iyo xulka qaranka,wuxuuna Ahmed degan yahay magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka Ugu horeyntii Ahmed wuxuu si guud u dal maray safar uu ku tagay maamul goboleedka Puntland bishii December.17.2009,ujeedada socdaalkiisu waxay aheed buu sheegay sidii Puntland looga caawin lahaa horumarinta isboortiga iyo suurta galinta in la helo garoomo qaab dhismood kooda la jaan qaadi karo dunida inteeda kale,taas oo ilahay ka sow guddiga olimbikada Soomaliyeed suurta galiyay in muddo gaaban gudohood lagu dhiso doono xaruntaas kulmin dooonta inta nooc ee isboorita lagu dheeli karo Ahmed Dahir wuxuu aad ugu amaanay maamulka hadda hogaamiya GOS sida gudoomiyaha Adan Hagi yabarow,guddoomye ku xigeenka Duran Farah iyo xoghayaha Abdullahi Tarabi sida xil kasnimada ku dheehan ee ay waajibaad koodu isboorti u gudanayaan Dhan kale Ahmed Dahir wuxuu ka hadlay tartanka kubadda koleyga ee lagu qabanayo magaalada Toronto ee dalka Canada bisha July 2010,in ay ka soo qeyb gali doonaan,kuna amaanay maamulka hadda gacanta ku haya diyaarinta tartankaas, Mohyadin Jama somaliweek Toronto |