Tartankii koobkii Ramadanka TODAY oo dhammaaday


TORONTOWaxaa habeenimadii jimcaha oo taariikhdu aheed Sep.17.2010,lagu soo gaba gabeeyay garoonka Soccer City ee ku u yaal magaalada Toronto,tartankii koobka bisha barakeysan ee Ramadan oo uu soo qaban qaabiyay guddiga TODAY
DAAWASHO WACAN




Garsoore Mohamed Farah Dabdamis oo bixinaya kaalinta kowaad

Mohamed Hagi Uurey oo bixinaya abaalmarin





Cayaaryahan Muumin oo wacdaro la yaab leh dhigay

Tartankan oo si xiiso badan ku bilowday horaantii bisha Ramadan,ayaa waxaa la cayaari jiray oo kaliya laba habeen usbuucii,waxaana ka qeyb galay kooxo dhaliyaro ah iyo kooxo odayaal,sanadkana waxaa tartanka maamulkiisa hogaaminaya Bashi Ali Bashi oo ka mid ah guddiga TODAY,isla markaana ah dadkii gacanta weyn ka geystay in sanad walba magaalada Toronto lagu qabto tartanka caan baxay ee SOMALI WEEK TORONTO,oo looga kala yimaado guddaha iyo dibadaba dalkan Canada

Waxaa ku guuleystay koobkii bisha barakeysa ee Ramadan kooxda Toronto Stars




Kooxda Toronto Stars

Kooxda Hilac


Waxaana kaloo cayaaray laba kooxood oo odayaal ah,oo kala watay kooxaha IFTIN iyo SUPER STARS,cayaartan inta ayna bilaaban ayaa waxaa durbadiiba bilowday afka ku dirir iyo in ay aad isugu fogaadeen odayaashii labada kooxood , taas oo dhalisay cabsi ah in lagu dagaalamo goobta,

Waxaan amaan iyo bogaadin mudan garsoorihii dhex dhexaadinaya cayaarta oo ahaa wiil dhaliyaro ah oo muujiyay dulqaad dheeri ah iyo in cayaarta aysan gacantiisa ka bixin,taasna uu ku guuleystay,waxaana cayaarta ku badiyay kooxda IFTIN,

Cayaarta ka dib ayaa waxaa dhacday in kooxda SUPER STARS ay cabasho u gudbisay guddiga, taas oo ay ku doodayeen in kooxda IFTIN ay sharciga jabisay,balse ma jirin wax war ah oo ka soo baxay guddiga iyo in la tixgaliyay codsiga kooxda SUPER STARS

Marki ay bilaabatay bixinta koobabka iyo abaal marinta,ayaa ugu horeyntii waxaa koobkii kaalinta koowaad la guddoonsiiyay dhalinyaradii ka socotay kooxda TORONTO STARS,kaalinta labaadna kooxda HILAC

Koobkii kaalinta kowaad ee odayaasha markii bixintiisa lagu guda jiro,uuna koobka gacanta ku hayo Macalin Bruno,lagana sugayo in guddiga u yeeraan kooxda ku guuleystay kaalinta koowaad ayaa waxaa si deg deg ah koobkii gacanta macalin bruno kala baxay Ali Baba oo ka tirsan kooxda IFTIN,oo 5:3,kaga badisay kooxda SUPER STARS

Somaliweek waxay isku dayday in ay wareysi la yeelato Ali Baba,bal in uu sheego haddii uu maqlay in cid kale loogu yeeray koobka kaalinta kowaad ee odyaasha,nasiib daro Ali Baba wuu ka gaabsaday in wareysigaas uu bixiyo,taas oo uu sheegay in ay xiisad kale abuuri karto

Mohyadin Jama
Somaliweek
Toronto